|

Jubaland oo Ciidamadii ugu badnaa kusoo bandhigtay Balad Xaawo & Dagaal laga cabsi qabo-Sawiro

Kismaayo (HM)-Maamulka Jubbaland ayaa saakay duleedka magaalada Balad Xaawo ee gobolka Gedo waxa ay kusoo bandhigeen gaadiid dagaal iyo ciidamo badan oo katirsan Daraawiishta Jubbaland.

Goobta lagu soo bandhigayay ciidankan iyo gaadiidka dagaalka waxaa goob joog ka ahaa Madaxweyne Ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo Wasiirka Amniga maamulkaasi Cabdirashiid Janan.

Maxamuud Sayid Aadan oo la hadlay ciidanka lasoo bandhigay ayaa u sheegay in ay ka digtoonaadaan colaad uu sheegay in dowlada federaalka ka abaabuleyso gobolka Gedo, waxa uu sidoo kale ku eedeeyay dowlada in cunaqabateyn saartay shacabka gedo.

Wasiirka Amniga  Jubbaland Cabdi rashiid Janan, oo isna la hadlay ciidanka ayaa ku ammaanay sida geesinimada leh ee ay ugu taagan yihiin difaaca deeganadooda, waxa uuna ka digay colaad uu sheegay in ay wado dowlada federaalka.

Magaalada Balad Xaawo ee gobolka Gedo waxaa hada inta badan gacanta ku haya ciidamo ka amar qaata dowlada federaalka halka sidoo kale ciidamo katirsan maamulka Jubbaland ay joogaan qeybo degmadaasi katirsan iyo duleedkeeda.

Dhanka kale warar  nasoo gaadhaya goordhow ayaa sheegaya in  israsaaseyn laga maqlay gudaha degmada Beled-Xaawo ee gobolkaasi.

Israsaaseynta ayaa timid, kadib markii ciidamo taabacsan wasiirka amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) ay gudaha u galeen qeybo ka mid ah degmadaasi.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in ciidamadaasi iyo kuwa dowladda ee ku sugan halkaasi ay isku dhaceen, islamarkaana uu dhexmaray iska hor imaad kooban.

Horufadhi.com

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=81874

Posted by on Feb 8 2020. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Rasta buuni: Maxuma
  • Turab: Bismillaah Allaah baa mahadleh, Shariif la soo gamay, mar haddii wixii caloosha ugu jirey afkiisii ka xaday....
  • Rasta buuni: War fiican
  • Turab: Bismillaah; Sanbaloolshe, waa siyaasi isagoon u qaan gaadhin siyaasada, oo qaxooti degan Ingiriiska xilal...
  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...