|

Daawo:-Kenya oo cabsi xooggan ka qabta cudurka Coronavirus & Itoobiya & Soomaaliya oo-Video

Muqdisho (HM)- Kenya ayaa ku dhawaaqday inay ardaydeeda kasoo daadgureyn doonto magaalada ayku xayiran yihiin ee Wuhan, waxayna ku boorisay deriskeeda Ethiopia, inay joojiso duullimaadyada ay ku tagayaan Shiinaha si ay gacan uga geystaan xakameynta cudurka coronavirus ee dhaqsaha u faafa.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in ardayda doonaya in dib loo celiyo ay ku qasban yihiin inay 14 maalmood ku qaataan karantiil gudaha Kenya si loo hubiyo inaysan qabin cudurka.

Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Kenya ayaa sheegtay in ku dhawaad 88 arday oo reer Kenya ah ay ku sugnaayeen Wuhan, oo ah xudunta cudurka.

Tirada ayaa laga yaabaa inay intaas ka badan karto, maaddaama ay jiraan qaar aan iska diiwaan gelin safaaradda Kenya ee Beijing.

Jeffrey Okundi, oo ah arday reer Kenya ah kana tirsan jaamacadda Wuhan Botanical Garden, ayaa sheegay in xaaladuhu aad u liitaan.

Madaxweyne Kenyatta ayaa sheegay in Kenya, sida waddamada kale ee Afrika oo leh nidaamyo caafimaad oo daciif ah, ay tahay inay qaadaan tillaabooyin adag si loo hubiyo inaanan u oggolaanayn inuu fayraska soo gaaro dalkooda.

Toddobaadkii hore, Kenya Airways iyo Rwand Air waxay hakiyeen duullimaadyadii ay ku tagayeen dalka China.

Labada shirkaddood ee duullimaad ayaa ku biirey tiro kale oo shirkado Afrikaan ah oo kala ah, Egypt Air, Royal Air Maroc, Air Mauritius iyo Air Madagascar, kuwaasoo hakiyey duullimaadyadii ay ku tagi jireen Shiinaha sababta cudurka dillaacay awgeed.

Balse Diyaaradda Ethiopiaan Airline oo ah shirkadda qaaradda Afrika ee duulimaadyada ugu badan ku tegta Shiinaha iyo Air Algérie ayaa sii wad inay ka shaqeeyaan Shiinaha.

Haatan, Kenyatta wuxuu ka codsanayaa mas’uuliyiinta Itoobiya inay joojiso duullimaadyada ay ku tagayaan magaalooyinka Shiinaha si ay uga ilaaliyaan dadka kale ee reer Bariga Afrika cudurkaas.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=81895

Posted by on Feb 8 2020. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Rasta buuni: Maxuma
  • Turab: Bismillaah Allaah baa mahadleh, Shariif la soo gamay, mar haddii wixii caloosha ugu jirey afkiisii ka xaday....
  • Rasta buuni: War fiican
  • Turab: Bismillaah; Sanbaloolshe, waa siyaasi isagoon u qaan gaadhin siyaasada, oo qaxooti degan Ingiriiska xilal...
  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...