|

Daawo:-Jubaland oo si kulul uga hadashay dagaalkii maanta ka dhacay Balad Xaawo-Video

Beled-Xaawo (HM) – Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo warbaahinta kula hadlay magaalada Beled-Xaawo ayaa sheegay in Ciidamo ka tirsan dowladda dhexe ee Soomaaliya ay weerar kusoo qaadeen degmada Baledxaawo.

Waxaa uu sheegay in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay dooneyso in ay burburiso maamulka Jubaland, ayna nasiib daro tahay in maanta Ciidamada Jubaland iyo kuwa dowladda ay ku dagaallamaan degmada Beledxaawo, iyo in la abuuro qalqal amni.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

“Maanta waxaa lagu sameeyay qalqal amni, waxaa lagu sameeyay umaddii deganeyd in la iska horkeeno, waxaa lagu sameeyay in laga jeediyo cadowgii kow iyo tobanka sano gobolkan lagula dagaalamayay, oo tuulo walba fadhiya, sidii loo sii ciribtiri lahaa waxaa la saaray cunaqabateen. 28-kii January laga bilaabo diyaaradihii baa laga joojiyay, waa maxay sababta looga joojiyay? Isbitaaladii waa xiran yihiin, shacabkii dawo maleh. Nin aan kartoon dawo ah ku siinayn, hay’adihii caalamka oo dalkan iyo dadkan wax ka qabanaayay oo noo soo gurmadayna qalqal amni iyo qalqal maamul baa lagu sameeyay, waa ka guureen gobolka, garoomadiina waa laga xiray,” ayuu yiri

Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in mas’uuliyadda wixii maanta ka dhacay Gedo ay qaadeyso, dowladda Soomaaliya, gaar ahaan madaxweyne Farmaajo, oo ay diiwaanka taariikhda loogu qori doono.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa intaa ku daray “Soo ma ogid inaad bani’aadam tahay, Ilaahayna kula xisaabtamayo, addoomadiisana kula xisaabtamayaan, waa maxay sababta qaranka, shaatiga dowladnimada iyo astaanka qaranka oo Ilaahay ku siiyay aad umaddaan ugu dhibaateenayso? Wax layaab leh weeye.”

Waxaa uu wax kaloo layaab leh uu ku sheegay ciidamada diyaaradaha looga soo qaaday Magaalada Muqdisho, xilli aanay amni ahayn wadada xiriirisa Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye.

“Waxaa weeye waxa layaabka leh ee ka socda, diyaaradaha aad ku soo gureyso ciidamada oo Xamar kaga keenayso, ayadoo Jaziira, Toora Toorow iyo Afgooye iyo Xamar dhexdoodu u baahan in ammaan laga dhigo, oo kow iyo toban sano ka hor meeshii Dowladdii Somaliya xoreysay, oo Dowladdii Somaliya ka dhisan tahay oo Calankii Qaranka ka taagan yahay, maamulkii ka jiro oo Ciidamada Qaranka ka hawlgalayaan in intaad keento aad ammaankii qalqal ku gelinayso, waa maxay sababta?” Ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=81888

Posted by on Feb 8 2020. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Rasta buuni: Maxuma
  • Turab: Bismillaah Allaah baa mahadleh, Shariif la soo gamay, mar haddii wixii caloosha ugu jirey afkiisii ka xaday....
  • Rasta buuni: War fiican
  • Turab: Bismillaah; Sanbaloolshe, waa siyaasi isagoon u qaan gaadhin siyaasada, oo qaxooti degan Ingiriiska xilal...
  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...