|

Daawo:-Ciidamadda Soomaaliya oo gacanta ku dhigay Carruur Al-shabaab askareeyeen-Video

Muqdisho (HM)-Maamulka degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa sheegay in ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya gacanta kusoo dhigeen caruur kooxda Al Shabaab  si qasab ah ku askareeyeen.

Guddoomiyaha Amniga ee Degmada Xudur Ibraahim Isaak Ibraahim (Shaati) ayaa Warbaahinta dowlada u sheegay in ciidanka amaanka gacanta kusoo dhigeen 9-caruur ah uu sheegay in Al Shabaab askareeyeen kana soo wateen deegaano katirsan Bakool.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Waxa uu sheegay gudoomiyaha in caruurtan laga soo qabtay deegaanka Doodaali oo Al Shabaab ku lahaayeen xero tababar, waxa uuna xusay in caruurtan waalidiintii dhalay si qasab looga soo watay si loo askareeyo loona galiyo dagaalada Al Shabaab wadaan.

Saldhiga degmada Xudur ayaana la geeyay caruurtan Al Shabaab askareeyeen oo lagu sheegay 9-wiil iyo labo nin oo xiliga la qabanayay caruurtan ku waday Mootooyin nuuca sadex lugeeleyda ah.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=81866

Posted by on Feb 8 2020. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Rasta buuni: Maxuma
  • Turab: Bismillaah Allaah baa mahadleh, Shariif la soo gamay, mar haddii wixii caloosha ugu jirey afkiisii ka xaday....
  • Rasta buuni: War fiican
  • Turab: Bismillaah; Sanbaloolshe, waa siyaasi isagoon u qaan gaadhin siyaasada, oo qaxooti degan Ingiriiska xilal...
  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...