|

Wiil iyo Gabadh aroos ahaa oo Qarax ku dhintay iyaga oo ku socda Muqdisho.

Muqdisho (HM) – Waxay faah faahin ka soo baxaysaa qarax ay dad rayid ah ku dhinteen oo shalay galab ka dhacay Deegaanka Lafoole, oo ku yaalla wadada xidhiidhisa Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Shan qof oo la socday gaadhi oo nooca raaxada ahaa ayay miinada kula kacday meel aan ka fogayn Isbitaalkii Xaawo Cabdi, iyadoona ay halkaasi ku geeriyoodeen dhammaanba dadkii gaadhigaasi saarnaa, oo Darawalkiina uu ka mid ahaa.

Dadkan oo ka yimid xaafadda Malable ee Degmada Wanlaweyn ayaa waxay ku sii jeedeen Magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya shanta qof ee ku dhimatay qaraxa inay ku jireen wiil iyo gabadh isku soo mehersaday Degmada Wanlaweyn, kuwaa oo markii horeba ka tagey Magaalada Muqdisho.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in qaraxaasi loola dan lahaa gaadhi Cabdi Bille ahaa, oo ay la socdeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya, hase ahaatee uu haleelay gaadhigii ay rayidka la socdeen oo daba socday gaadhiga Ciidamadda.

Qaraxan ayaa ku soo aadaya, xilli Dowladda Somaliya ay ciidankii ugu badnaa ku soo daadisay wadada isku xidha Muqdisho iyo Afgooye, si looga hortaggo weerarada Al Shabaab ee ka dhanka ah Injineerada Turkiga, ee dhiseysa wadadaasi.

Islashalay dad kaloo aroos u socday ayay gaadhigoodii miino ku haleeshay wadada xidhiiidhisa Degmooyinka Afmadow iyo Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose. Inta la ogyahay waxaa ku dhintay afar qof, halka lix kalena ay ku dhaawacantay, weerarkaasi.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=81821

Posted by on Feb 4 2020. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Rasta buuni: Maxuma
  • Turab: Bismillaah Allaah baa mahadleh, Shariif la soo gamay, mar haddii wixii caloosha ugu jirey afkiisii ka xaday....
  • Rasta buuni: War fiican
  • Turab: Bismillaah; Sanbaloolshe, waa siyaasi isagoon u qaan gaadhin siyaasada, oo qaxooti degan Ingiriiska xilal...
  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...