|

Dagaal toos ah oo dhexmaray Ciidamada Turkiga & kuwa Suuriya+Hanjabaada Erdogan-Video

Laascaanood ( HM ) Ugu yaraan Afar askari oo Turkish ah iyo 35 Askari oo Siiriyaan ah ayaa ku dhintay dagaal fool ka fool ah oo dhexmaray ciidamada labada wadan gogobolka Idlib ee waqooyi galbeed ee Suuriya.

Sagaal askari ayaa sidoo kale dhaawacyo soo gaareen ka dib markii ciidamada Siiriya ay madaafiic ku soo liishaameen saldhigyada Milateriga Turkiga, sida lagu sheegay war ka soo baxay wasaaradda Gashaandhiga Turkiga.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Ergogen ayaaa sheegay in ciidamadiisu ay bartilmaameesadeen 40 xarumood oo ay leeyihiin ciidamada Siiriya iyagoo kaga aargudanaya weerarka ay ku soo qaadeen ciidamada Turkiga.

“ Ma Aamusayno, waxaanu sii wadaynayaa jawaabaha milateri ee aanu ka bixinayno gardarada Rajiimka Siirya , Waan u sheegnay Ruushka  inay noo baneeyaan Wadada oo aysan garab istaagin” ayuu yidhi madaxweynaha Turkiga.

“Turkigu si xooggan ayuu u aargoosan doonaa. Gooba cayiman ayaan madaafiic ku garaci doonaa. Kuwa raba inay Turkiga ku tijaabiyaan weeararrada fuleynimada ee noocan oo kale ah, waxay ka marag noqon doonaan inay khalad weyn sameeyeen oo cashir aysan hilmaami doonin ayaan u dhigi doonaa”, ayuu yiri Erdogan.

Ciidamada Turkiga ayaa ka howlgala Gobolka Idlib oo ay gacanta ku hayaan mucaaradka Suuriya. Gobolkan waxaa ku nool ilaa 3 Milyan oo qof oo u Badan barakacayaal ka soo cararay gobolada kale ee Siiriya.

 

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=81816

Posted by on Feb 3 2020. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Rasta buuni: Maxuma
  • Turab: Bismillaah Allaah baa mahadleh, Shariif la soo gamay, mar haddii wixii caloosha ugu jirey afkiisii ka xaday....
  • Rasta buuni: War fiican
  • Turab: Bismillaah; Sanbaloolshe, waa siyaasi isagoon u qaan gaadhin siyaasada, oo qaxooti degan Ingiriiska xilal...
  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...