|

Daawo:-Puntland oo si adag uga jawaabtay hadalkii Goodax Barre lana soo baxday heshiisyo hore-Video

Muqdisho (HM)-Wasiirka Waxbarashada maamulka Puntland  Cabdullaahi Maxamed Xassan, ayaa ka jawaabay hadal ka soo yeeray Wasiirka Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre, kaasoo ahaa in Ardayda Puntland aan la siin doonin Shahaadada heer Federaal, maadaama Puntland aysan ka qeyb-gelin Imtixaanka dowladda dhexe.

Cabdullaahi Maxamed Xassan, ayaa sheegay in laba heshiis oo Puntland iyo dowladda Federaalku ay wada-galeen sannadihii 2015 iyo 2017, lagu go’aamiyay in Puntland ay u madax-bannaantahay qaadista Imtixaanaadkeeda.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Sidoo kale, wuxuu sheegay in labadaasi heshiis si cad loogu qeexay, in dowladda Federaalku ay kormeer ku yeelato Imtixaanka Puntland, dabadeedna Ardayda Reer Puntland Shahaadada heer Federaal loogu keeno caasimadda Garoowe.

“Suurta gal maaha in Imtaxaan mid ah dalka ka dhaco, wasaarada waxbarashadu maba oga waxaan ardayda u dhigno sidee Imtaxaan u qaadi kartaa? ilaa manhaj midaysan la helo Imtaxaan midaysan ma dhici karo.” ayuu wasiirka oo ku eedeeyey wasiir Goodax inuu burburinayo heshiisyada ay horey u wada galeen labada dhinac.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=81651

Posted by on Jan 26 2020. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Rasta buuni: Maxuma
  • Turab: Bismillaah Allaah baa mahadleh, Shariif la soo gamay, mar haddii wixii caloosha ugu jirey afkiisii ka xaday....
  • Rasta buuni: War fiican
  • Turab: Bismillaah; Sanbaloolshe, waa siyaasi isagoon u qaan gaadhin siyaasada, oo qaxooti degan Ingiriiska xilal...
  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...