|

Daawo:-Wasiir Goodax Barre: Puntland imtixaan ha galaan ama ha isku filnaadan-Video

Muqdisho (HM)-Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa si cad u sheegay in dowladda dhexe ee Soomaaliya aysan siin doonin Shahaadada dugsiga Sare haddii aysan galin Imtixaanka dowlada dhexe ee Somaaliya Ardayda degaanada maamulka Puntland.

Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in maamulka Puntland uu ka horjoogsaday ardayda ku nool degaanada maamulkaas iney galaan imtixaanka dowladda federaalka sidaasna ay ku waayeen shahaadada dugsiga sare.

“Maaadaama ay diideen imtixaanka dowlada dhexe waa iney isku filnaadaan, waana sharci in arday aan gelin imtixaanka shahaadiga ah ee wasaarada waxbarashada uusan helin shahaado” ayuu yiri wasiirka.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Hadalka Wasiirka ayaa sii xoojinayakhilaafka u dhexeeya dowladda federalka Soomaaliya iyo Puntland ka dib markii uu fashilmay wadahadallo ay waddeen xubno ka mid ah Aqalka Sare.

“Puntland waa inay ummadda Soomaaliyeed la mid noqotaa oo imtixaanka la galaan oo shahaadada la qaataan, haddii kale ha isku tashadaan.” ayuu yiri wasiir Goodax Barre.

Puntland ayaa diiday iney ardayda ka soo baxay dugsiyadeeda sare ay galaan imtixaanka dowlada dhexe, iyagoo taas sabab uga dhigay in imtixaanka dowlada uu yahay mid aan la isku haleyn karin oo mar kasta qishkiisa uu dibeda u baxo.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=81627

Posted by on Jan 25 2020. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Rasta buuni: Maxuma
  • Turab: Bismillaah Allaah baa mahadleh, Shariif la soo gamay, mar haddii wixii caloosha ugu jirey afkiisii ka xaday....
  • Rasta buuni: War fiican
  • Turab: Bismillaah; Sanbaloolshe, waa siyaasi isagoon u qaan gaadhin siyaasada, oo qaxooti degan Ingiriiska xilal...
  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...