|

Daawo:-Aabe Wiilkiisa gowracay oo gacanta lagu soo dhigay & Murugada ka taagan Qoyska-Video

Muqdisho (HM)-Booliska Magaalada Jowhar ayaa gacanta ku soo dhigay Aabe Wiil uu dhalay xalay ku gowracay magaaladaas, ka dibna baxsaday.

Taliyaha Ciidanka Booliska degmada Jowhar Max’ed Siyaad Cali Canjeex oo faahfaahin ka bixiyey dhacdadan ayaa sheegay in Aabahan markii uu dilay Wiilkiisa uu u baxsaday degaan hoostaga Jowhar.

“Howlgal ay Boolisku sameeyeen ayey ninkani xalay saqdii dhexe ka soo qabteen tuulada Halgan oo ku taalla duleedka magaalada Jowhar halkaasoo aanu xog ku helnay inuu u baxsaday” ayuu yiri taliyaha oo intaas ku daray in ninkan uu haatan ku xiran yahay saldhiga Booliska Jowhar.

Taliyaha ayaa xusay in aabahan ay ku wadaan baaritaano la xiriira waxa sababay inuu Wiilkiisa gowraco, wuxuuna xusay in marka baaritaanku dhamaado ay u gudbin doonaan heyadaha garsoorka.

Dhacdadan oo ugub ku ah magaalada Jowhar ayaa waxaa si weyn uga argagaxay shacabka magaaladaas ku dhaqan oo xalay illaa saaka si weyn u hadal haya.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=81637

Posted by on Jan 25 2020. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Rasta buuni: Maxuma
  • Turab: Bismillaah Allaah baa mahadleh, Shariif la soo gamay, mar haddii wixii caloosha ugu jirey afkiisii ka xaday....
  • Rasta buuni: War fiican
  • Turab: Bismillaah; Sanbaloolshe, waa siyaasi isagoon u qaan gaadhin siyaasada, oo qaxooti degan Ingiriiska xilal...
  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...