|

Daawo:-Wararkii ugu dambeeyay ee Jabhadda looga dhawaaqay Gobolka Awdal-Video

Boorame ( HM )Waxaa markii ugu horaysay  Warbaahinta la hadlay Saraakiisha Hogaaminaysa Jabhadda [Cawaale] ee looga dhowaaqay Galbeedka Somaliland, Kuwaasi oo sheegay inay Gacanta Somaliland ka bixin doonaa  Gobolada Awdal iyo Salal, Waxayna sidoo kale soo Bandhigeen Cududooda ciidan.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Sarkaakiisha ayaa sheegay inay  Naftooda u hurayaan, Waxayna xuseen in Jabhadii SNM ee dagaalka gashay ay Markii hore ku bilaabatay dhowr qof.

Shacabka Gobolka Awdal ayaa ugu baaqeen inay  Isku diyaariyaan Duulaanka ay kusoo qaadi doonaan Gobolka ee ka dhanka ah Somaliland.

“Ogolaansho ayaan ku joognay markii hore Somaliland, Balse waa nala nacsiiyey, Reer gaar ah ayaa yeeshay,  Mujaahidiiintii Gobolka Awadal waa anaga, Gobol kasta wuxuu leeyahay Mujaahidiin u gaar ah” .

Arintan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo dhowaan dagaal uu ka dhacay Gudaha Boorame, Kadib markii ay Weerar soo qaaday Jabhad uu hogaamiyo Sulaan Wabar, Waxaana sidoo kale Jabhad kale oo ka dhan ah Somaliland ay ka jirtaa Gobolka sanaag, taasi oo Kornayl Caarre Hogaamiyo.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=80159

Posted by on Nov 12 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Rasta buuni: Maxuma
  • Turab: Bismillaah Allaah baa mahadleh, Shariif la soo gamay, mar haddii wixii caloosha ugu jirey afkiisii ka xaday....
  • Rasta buuni: War fiican
  • Turab: Bismillaah; Sanbaloolshe, waa siyaasi isagoon u qaan gaadhin siyaasada, oo qaxooti degan Ingiriiska xilal...
  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...