|

Daawo:-Soomaliland Gudi doorasho oo maanta la ansixiyey xiisad ka taagan-Video

Laascaanood (HM)-Golaha Wakiiladda maamulka aqoonsi raadiska ah ee Somaliland ayaa meelmariyey lix kamid ah todoba xubnood oo loo magacaabay Guddiga Doorashooyinka.

Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa wuxuu la noqday xubinta loosoo xulay kadib markii uu qoonsaday qaabka wax loo wado.

Xoghayaha guud ee xeer-dejinta, Cabdirisaaq Saciid Ayaanle, ayaa taariikh nololeedka xubnahaan u mariyey golaha kahor ansixinta.

Waddani ayaa sheegay in sababta uu u qaadacay Guddiga ay tahay in ay ku jiraan xubno u jaran-jeera dhanka xisbiyadda talada haya ee Kulmiye.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Hase ahaatee, Guddiga Anshaxa Golaha Wakiiladda oo warbixin soo saarey ayaa meesha ka saarey “eedeymahaan kadib baaritaan”.

Inkasta oo Guddiga helay ansixin wadar ogol ah, haddana Xildhibaano kadib fadhiga hadlay waxay coddeynta ku qeexeen “mid la maquuniyey”.

Xubnaha la ansixiyey kadibna la dhaariyey ayaa waxay rajo fiican ka muujiyeen in ay waajibaadkooda u gutaan qaabka ugu wanaagsan.

Guddiga ayaa qaban-qaabin doono doorashooyinka baarlamaanka iyo golaha degaanka ee Somaliland, kuwaas oo dhowr jeer baaqatay.

Calaamad su’aal ayaa, hase ahaatee, waxay dulsaaran tahay qaabka ay ku suurtogeli karto qabsoomida doorashada, iyadda oo ay maqan tahay xubinta WADDANI.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=80181

Posted by on Nov 12 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Rasta buuni: Maxuma
  • Turab: Bismillaah Allaah baa mahadleh, Shariif la soo gamay, mar haddii wixii caloosha ugu jirey afkiisii ka xaday....
  • Rasta buuni: War fiican
  • Turab: Bismillaah; Sanbaloolshe, waa siyaasi isagoon u qaan gaadhin siyaasada, oo qaxooti degan Ingiriiska xilal...
  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...