|

Daawo:-Sheekh Shariif oo Dowladda Farmaajo uga digay inaysan qaadin Waddadii Al-Shabaab & Itoobiya lagaga saaray Muqdisho-Video

Muqdisho (HM)-Madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Axmed, ayaa digniin xoogan wuxuu hawada u mariyey Dowladda Federaalka ah ee uu hogaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Digniinta hogaamiyaha xisbiga Himilo Qaran ayaa imaaneysa markii “xayiraad kooban lagu sameeyay” socdaal ay ku tegi lahaayeen magaaladda Beledwayne.

Shariif ayaa qayb ka ahaa wafdi ka socda Madasha Xisbiyadda Qaran iyo Xildhibaano oo gurmad u siday shacabka ay saameysay fatahaadaha.

Markii ay dib ugu soo laabteen caasimadda Muqdisho, gudoomiyaha Madasha ayaa si dulmar ah wuxuu uga hadlay safarkooda iyo “is hortaagii lagu sameeyay”.

HALKAN KA DAAWO

“Madasha waxay u taagan tahay xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee aan hadlin karin ee la dul-minaayo maalin kasta,” ayuu hadalkiisa ku bilaabay.

Ma uusan fahfaahin waxay yihiin dulmiga uu ka dhawaajiyey in lagula kaco muwaadiniinta Soomaaliya ee guud ahaan dalka ku nool.

“Dulankaas xafiisyadda dowladda ayay ka dhacaan maalin kasta. Soomaaliyey maqla, cabashadiina nasoo gaarsiiya, meesha ugu sareysaan gaarsiineynaa”.

Hadalka Shariif ayaa imaanaya iyadda oo xifaaltanka siyaasadeed u dhaxeeya madaxweyneyaashii hore iyo dowladda Farmaajo uu gaarey meeshii ugu sareysay.

“Magaaladdan [Muqdisho] mooryaan ayaa haysan jirtay soo ma ahan, waa lala dagaalmaay waa laga bixiyey mise waa beentey? Itoobiyaan ayaa soo galay maxaa la sameey? waa laga bixiyey, Shabaabaa qabsaday waa laga saarey”.

Wuxuu intaasi ku daray: “‚Ķmaka xoog badan yihiin dadkaan [dowladda taladda haysa]?”. Kadib markii uu saddex jeer dhaartay, Shariif ayaa raaciyey: “Hadii aysan joojin waan bixineynaa”. Ma sheegin waxa la joojinaayo.

Dowladda madaxweyne Farmaajo oo la doortay bishii Febraayo ee sanadkii 2017-kii ayaa waxaa mudada xileedkeeda uga harsan sanad iyo bilooyin. Doorashadda soo aadan waxaa lagu wadaa in ay qabsoonto sanadka 2020/21.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=80121

Posted by on Nov 10 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “Daawo:-Sheekh Shariif oo Dowladda Farmaajo uga digay inaysan qaadin Waddadii Al-Shabaab & Itoobiya lagaga saaray Muqdisho-Video”

  1. Bismillaah

    Allaah baa mahadleh, Shariif la soo gamay, mar haddii wixii caloosha ugu jirey afkiisii ka xaday. Joojiya dacwada badda. Shariifaw badda Somali baa leh ma laha nabad iyo nolol. Waxaan filayaa in maanta aad qaawan tihiin intiina ummadda ka soo hor jeedda horeumarkeeda. In la idin doorto ha ka yaabina, waa la idin nacay, waxaana u sabab ahaa gudoonkiinii jilicsanaa iyo boobkii aad ku samayseen dalka iyo dadka, inkastoo aad kala badsateen dhaca. Dawlan nabad iyo nolol ma aha 100%, laakiin, marka loo eego meeshii laga yimi, waa dawladii ugu hufnayd. Nabad iyo nolol baa tidhi ” Ha karaamo seegina habaar lagu kari waaye”. WBT

Leave a Reply

Recently Commented

  • Rasta buuni: Maxuma
  • Turab: Bismillaah Allaah baa mahadleh, Shariif la soo gamay, mar haddii wixii caloosha ugu jirey afkiisii ka xaday....
  • Rasta buuni: War fiican
  • Turab: Bismillaah; Sanbaloolshe, waa siyaasi isagoon u qaan gaadhin siyaasada, oo qaxooti degan Ingiriiska xilal...
  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...