|

Daawo:-Dagaalkii ugu culuslaa oo ka socda xadka ay wadaagaan dalalka Siiriya iyo Turkiga-Video

Muqdisho (HM)-Dagaal culus ayaa ka socda Magaalada ku taalla xuduuda Siiriya iyo Turkiga ee Ras al-Ain xilli ciidamada Turkiga ay howlgalo militari ka wadaan waqooyi bari Suuriya.

Militariga Turkiga ayaa waxay sheegeen inay la wareegeen magaaladaasi, balse xoogaga Kurdiyiinta ayaa arrintaasi beeniyay.

Xukuumadda Turkiga ayaa waxaa sidoo kale beenisay in ciidamadeeda ay beegsadeen ciidamada Mareykanka ka dib markii wasaarada gaashaanhiga Mareykanka ay sheegtay in ciidamadooda la soo weeraray.

HALKAN KA DAAWO

Ugu yaraan 30 qof oo rayid ah ayaa la sheegayaa in la dilay isla markana in ka badan 200,000 oo qof ay qaxeen afartii maalmood ee uu dagaalka socday.

Go’aankii Madaxwayne Donald Trump ee uu ciidamadiisa kaga soo saaray Suuriya ayaa waxa uu horseeday in Turkiga ay qaadaan tallaabo militari.

Xooggaga Kurdiyiinta ah ee YPG ayaa ka samaystay bariga webiga Furaat ee waqooyiga Suuriya dhul maamulkiisa ay u madax bannaan yihiin.

Kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaateen dagaalkii looga adkaaday ururka  isku magacaabay dowladda Islaamka ayaa u sahlay dagaalyahannada YPG  inay kasoo tallaabaan webiga ayna la wareegaan dhul ka tirsan Suuriya,  iyadoo Xukuumadda Turkiga ay u aragto kooxda YPG koox argagixiso ah.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=79115

Posted by on Oct 13 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]
300x250 ad code [Inner pages]

Recently Commented

  • Cagey: Tirada baarlamaanka guriga hoose waxa la yidhi waa 275 xildhibaan Manama waxa soo xaadiray oo la leeyahay...
  • Cagey: Puntland ma sida jeegaanta ayay iclaamisay goon’isutsaag waa maxay duulimaadyada caalamiga ah ee ay leedahay...