|

DEG DEG:-Hoggaamiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale oo gaadhay Kismaayo

Muqdisho (HM)-Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa goor dhow ka degay garoonka diyaaradaha Kismaayo, halkaasoo uu ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Aadan Barre Ducaale ayaa waxaa safarkiisa ku wehliyay xubno ka tirsan Baarlamaanka Kenya, kuwaasoo laga soo doorto Gobolka Waqooyi Bari ee NFD.

Wafdigan ka socda Kenya ayaa garoonka diyaaradaha Kismaayo ku yimid diyaarad yar oo nooca Focker ah, waxaana ay toos ugu yimaadeen magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Sidoo kale wafdigan ayaa ka qeyb galaya caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo maanta ka dhaceysa Kismaayo.

Lama oga go’aanka dowladda Federaalka ka soo saari doonto tallaabadan cusub ee ku aadan in mar kale amarkii dowladda inuu jabay ee ahaa in diyaaradaha aadaya Kismaayo inay soo maraan Muqdisho.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=79071

Posted by on Oct 12 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...
  • Abdi: Mayarkaas Hargeisa wax baa ka jira. Media-hu waa weriyey in “Bisad Suulli Ku Dhacday La Badbaadiyey oo...
  • Rasta buuni: Rasta
  • Abdi: War Majeerteen guracan iga dheh.
  • Abdi: Marxuumkaas waxa loo dillay “Position ka shaqo ee uu hayey”. Sida darteed, dadka sida deg dega ah...