|

TOOS DAAWO:-Xafladda caleema saarka Axmed Madoobe oo Kismaayo ka socota & amarkii Dowladda oo Kenya jabisay-Video

Muqdisho (HM)- Xafladda caleema saarka Madaxweynaha mamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ka socota magaalada Kismaayo, iyadoo la filayo in xaflada ay dhacdo gelinka dambe ee maanta oo Sabti ah.

Xaflada caleema saarka ayaa ah mid si aad ah isha loogu haayo, gaar ahaan khudbadaha ay ka jeedin doonaan Madaxdii hore ee Soomaaliya, Madaxweynaha Puntland iyo siyaasiyiin.

HALKAN KA DAAWO TOOS

Labo jeer oo hore ayay dib u dhacday xaflada caleema saarka, sababo ku aadan cadaadis ka yimid dowladda Federaalka, kaddib markii ay xayiraad saartay diyaaradaha Kismaayo.

Hase ahaatee Maamulka Jubbaland ayaa la sheegay in si uu u jebiyo xayiraadaas uu soo iibsaday diyaarad, taasoo wafuudii ugu horeysay keentay todobaadkii hore Kismaayo, halka Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ay ka soo qaaday Garowe.

Ammaanka magaalada Kismaayo ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo wafdigii ugu badnaa ay ku sugan yihiin magaalada, waxaana waddooyinka lagu arkayay ciidamo kala duwan oo amniga sugaya, sidoo kalena baaritaan ku sameynaya gaadiidka kala duwan.

 

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=79075

Posted by on Oct 12 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...
  • Abdi: Mayarkaas Hargeisa wax baa ka jira. Media-hu waa weriyey in “Bisad Suulli Ku Dhacday La Badbaadiyey oo...
  • Rasta buuni: Rasta
  • Abdi: War Majeerteen guracan iga dheh.
  • Abdi: Marxuumkaas waxa loo dillay “Position ka shaqo ee uu hayey”. Sida darteed, dadka sida deg dega ah...