|

Daawo:-Hanti-dhowrka guud oo war cusub kasoo saaray Lacagtii la musuq maasuqay-Video

Muqdisho (HM)-Hanti-dhowraha guud ee Qaranka Maxamed Cali Afgooye oo maanta kula hadlay Muqdisho warbaahinta ayaa sheegay in warbixintii uu shalay soo saaray oo ku saabsaneyd warbixin sanadeedkii 2018 si qaldan loo fasirtey lagana been sheegay.

Hantidhowraha ayaa dhaliilay sida loo fasirtey warbixintii shalay uu soo saaray oo ku qorneyd in la la’yahay malaayiin dollar.

HALKAN KA DAAWO

“Warbixintii aan soo saaray dad dano gaar ah leh ayaa si gaar ah u fasiray, kuma jirin lacago la lunsaday.”ayuu yiri hantidhowraha qaranka.

Waxaa uu dadka qaarku dhaliilay in warbixinta aysan u akhrin sidii loo baahnaa,isaga oo ugu baaqay Warbaahinta iyo dadka Soomaaliyeed inay dhameystirtaan.

“Adduunka oo dhan ayay ka jirtaa markii warbixinada noocaan oo kale ah la soo saaro in si qaldan loo fasirto lagana faa’iideysto,waxaan ugu baaqayaa dadka Soomaaliyeed & Warbaahinta inay warbixinta akhristaan ayna dhameystaan” ayuu yiri Hanti-dhowraha Qaranka.

Ugu dambeyn waxaa uu ugu baaqay in Dowladda Federaalka ah looga baahan yahay inay ka faa’iideysato warbixinta uu soo saaray hab maamulka Maaliyadda dalka.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=79044

Posted by on Oct 10 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...
  • Abdi: Mayarkaas Hargeisa wax baa ka jira. Media-hu waa weriyey in “Bisad Suulli Ku Dhacday La Badbaadiyey oo...
  • Rasta buuni: Rasta
  • Abdi: War Majeerteen guracan iga dheh.
  • Abdi: Marxuumkaas waxa loo dillay “Position ka shaqo ee uu hayey”. Sida darteed, dadka sida deg dega ah...