|

Daawo:-Madaxweyne Farmaajo oo khudbad xasaasi ah ka jeediyey Kalfadhiga Baarlamaanka-Video

Muqdisho (HM)-Waxaa xilligan ka socota Dugsiga Tababarka Booliska Jen. Kaahiye Munaasabadda furitaanka Kalfadhiga 6aad ee Baarlamaanka Labada Gole, iyadoo uu goor dhow xarunta gaaray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Munaasabadda ayaa saacado dib uga dhacday furitaankeeda, kaddib markii ay madaxda ka qeyb galeysa ay dhaqse xarunta imaan waayeen, waxaana muddo socotay suugaano kala duwan oo ay qaadayeen Fannaaniin iyo madadaalo kale, sidoo kale Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo fanaan hore ahaa ayaa hees ka qaaday xafladda.

HALKAN KA DAAWO 

Kalfadhiga 6aad ee Baarlamaanka Labada Gole ayaa Madaxweyne Farmaajo uu si wadajir ah maanta u furi doonaa, iyadoo ay ka qeyb galayaan Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti, Guddoomiyeyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Inkastoo xarunta uu ka dhacayo Furitaanka Kalfadhiga 6aad ee Labada Gole aanay ku sugneyn Xildhibaano tira badan, waxaana badankood ay ku maqan yihiin safaro dibadda ah.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=78996

Posted by on Oct 9 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Rasta buuni: Maxuma
  • Turab: Bismillaah Allaah baa mahadleh, Shariif la soo gamay, mar haddii wixii caloosha ugu jirey afkiisii ka xaday....
  • Rasta buuni: War fiican
  • Turab: Bismillaah; Sanbaloolshe, waa siyaasi isagoon u qaan gaadhin siyaasada, oo qaxooti degan Ingiriiska xilal...
  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...