|

Daawo:-Warbixin ku saabsan Trump oo Turkiga ugu hanjabay naafeyn dhaqaale, haddii uu talaabo qaado.

Muqdisho ( HM) Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka aysan hor is-taagi doonin Turkish-ka oo la filayo inay weeraraan Kurdish-ka Syria, hase yeeshee waxa uu ku hanjabay inuu burburin doono dhaqaalaha Turkiga, haddii ay ku fogaadaan.

“Haddii ay sameeyaan wax aan rumeysannahay inaysan ahayn bani’adamnimo” ayuu Trump u sheegay weriyayaasha, “waxaa asiibi doona dhaqaale burbur iyo carro.”

Xulufada Jamhuuriga ee madaxweynaha ayaa aad uga carrooday go’aanka Trump ku cidleeyey Kurdish-ka Syria, kuwaas oo ciidamada Mareykanka la galay dagaalkii ka dhanka ahaa Daacish.

HALKAN KA DAAWO

Mid ka mid taageerayaasha ugu daacadsan Trump ee ku jira Senate-ka Mareykanka ayaa go’aanka madaxweynaha ugu yeeray mid “aragti gaaban iyo mas’uuliyad darro.”

Senator Lindsey Graham oo barnaamijka Fox & Friends uu weydiiyey haddii uu taageersan yahay go’aanka madaxweynaha ayaa yiri “marnaba maya,” isaga oo sheegay in tallabaadan “ay guul weyn u tahay Daacish.”

Graham ayaa sheegay in Kurdish-ka ay la safan doonaan madaxweynaha Syria Bashar Al-Assad, sababtoo ah ma haystaan waddo kale. “Sidaas darteed tani waa u guul Iran iyo Assad.” Ayuu yidhi.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=78971

Posted by on Oct 8 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...
  • Abdi: Mayarkaas Hargeisa wax baa ka jira. Media-hu waa weriyey in “Bisad Suulli Ku Dhacday La Badbaadiyey oo...
  • Rasta buuni: Rasta
  • Abdi: War Majeerteen guracan iga dheh.
  • Abdi: Marxuumkaas waxa loo dillay “Position ka shaqo ee uu hayey”. Sida darteed, dadka sida deg dega ah...