|

Daawo:-James Swan oo maanta tagay xarunta Gobalka Banaadir oo ay ugu dambeysay maalintii Yariisow lagu qarxiyey-Sawiro

Muqdisho (HM)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa  Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed ( Filish) ayaa maanta kulan la qaatay Ergayga gaarka ah ee Xoghaye guud ee Qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr James Swan.

Guddoomiye Cumar ayaa kala hadlay Mr Swan arrimo ay ka mid ahaayeen xoojinta amniga Caasimadda iyo taageerada Qaramada midoobay ee Xaqiijinta nanadgalyada.

Sidoo kale waxaa kulanka diiradda lagu saaray dardargelinta arrimaha horumarinta sida Dhismaha Wadooyknka, Kobcinta Dhaqaalaha, Shaqo abuurka dhalinyarada iyo xal u helista arrimaha Barakacayasha Caasimadda.

Mr Swan waxa uu dhankiisa balanqaaday in ay xoojinayaan wadashaqaynta tooska ah ee ay la Leeyihiin Maamulka Gobolka Banaadir Waxa uuna balan qaaday taageerada iyo garab istaagga Gobolka Banaadir.

Kulanka waxaa Gudoomiyaha ku wehliyey Xoghayaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo saraakiil ka tirsan Gobolka.

24-kii July ayay aheyd markii Wakiilka Qaramada Midoobey Mr Swan oo booqday xarunta Dowladda Hoose uu ku soo dhoweeyay Duqii hore ee Muqdisho Allaha u naxariistee Eng. Yariisow, iyadoo saacado kaddib booqashadiis uu xarunta gobolka ka dhacay qaraxii sababay dhimashada Guddoomiyeyaal iyo Agaasimayaal, waxaana todobaad kaddib uu Eng Yariisow u geeriyooday dhaawicii ka soo gaaray qaraxaas.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=78978

Posted by on Oct 8 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...
  • Abdi: Mayarkaas Hargeisa wax baa ka jira. Media-hu waa weriyey in “Bisad Suulli Ku Dhacday La Badbaadiyey oo...
  • Rasta buuni: Rasta
  • Abdi: War Majeerteen guracan iga dheh.
  • Abdi: Marxuumkaas waxa loo dillay “Position ka shaqo ee uu hayey”. Sida darteed, dadka sida deg dega ah...