|

Qarax goor dhow ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya.

Muqdisho (HM)-Qarax ayaa goor dhow oo fiidnimadii caawa ah ka dhacay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir kaasoo laga maqlay meelo badan.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan uu yimid ka duib markii nawaaxiga Suuqa Buulo-xuubey ee degmada Wadajir uu ku qarxay gaari nooca raaxada ah oo ka mid ahaa gaadiid wadada marayey.

Qaraxan ayaa la sheegay inuu mid lagu soo xiray gaariga oo loogu talo galay in lagu qaarajiyo qofka watay.

Goob joogayaal ayaa sheegay in qaraxu uu burbur u geystay gaariga balse uu ka badbaaday qofkii la socday oo la sheegay inuu ahaa nin ganacsade ah oo aan magaciisa la sheegin.

Lama sheegin khasaare kale oo ka dhashay qaraxan, waxaana goobta gaaray ciidamada amaanka oo halkaas ka sameynaya baaritaano.

Inkastoo aysan jirin cid sheegatay hadana qaraxyada noocan ah ayaa looga bartay iney fuliyaan Al-shabaab, waxaana horey loogu qaarajiyey masuuliyiin, saraakiil, weriyeyaal, ganacsato iyo dad kale.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=78951

Posted by on Oct 7 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Rasta buuni: Maxuma
  • Turab: Bismillaah Allaah baa mahadleh, Shariif la soo gamay, mar haddii wixii caloosha ugu jirey afkiisii ka xaday....
  • Rasta buuni: War fiican
  • Turab: Bismillaah; Sanbaloolshe, waa siyaasi isagoon u qaan gaadhin siyaasada, oo qaxooti degan Ingiriiska xilal...
  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...