|

Daawo:-Korneyl Caare oo ku gacan saydhay cafis shuruudo wato oo Muuse Biixi u fidiyey-Video

Laascaanood (HM)-Horjoogaha Jabhada lam magac baxday  ‘Dulmi-diid, ee dagaalka kula jirta maamulka aqoonsi raadiska ah ee uu Hoggaamiyo jabhadka hore Muuse Biixi , Kornayl Saciid Caare ayaa si adag uga jawaab celiyay shuruudo uu  Biixi ku xidhay cafis ay xukuumadiisu u fidiso Caare iyo jabhadiisa ka dagaalanta gobalka Sanaag.

HALKAN  KA DAAWO

Muuse Biixi ayaa shalay si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu cafiyey dhamaan ciidamada Jabhada Korneyl Caare ee dagaalka kula jira xukuumadiisa.

Biixi ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in cafinta Korneyl Caare looga baahanyahay in la raaco sharciyad, isagoona xusay in ciidamada iyo saraakiishoodu ay kala kiis yihiin, isla markaana cafintiisa ku xiray inuu isku soo dhiibo Somaliland, oo uu ka soo laabto fikirka jabhadiisa.

intaas kadib Korneyl Caare oo isaguna warbaahinta la hadlaya ayaa ka biyo diiday shuruudaha uu ku xiray Madaxweyne Biixi, isagoona sheegay inaysan matalin odayaashii shalay Madaxweynaha kula kulmay madaxtooyada.

Korneylka ayaa sheegaya in uu si weyn uga soo horjeedo hab maamulka Biixi iyo sida uu u hagayo xukuumadiisa, isla markaana uu sii wadi doono dagaalka uu kula jiro Somaliland oo uusan marnaba joojin doonin.

Muuse Biixi ayaa shalay xarunta looga arrimiyo maamulkiisa Somaliland kula kulmay odayaal ka soo jeeda beesha Korneyl Caare, kuwaasi oo dabada ka riixayay in la damiyo colaada ka dhaxeysa Jabhada iyo Xukuumada Biixi, qeybna ka ahaa go’aankii uu Madaxweynuhu cafiska ugu fidiyay ciidamada la jooga Caare, iyagoona ku guul-dareysatay in bilaa shuruud lagu cafiyo hogaamiyaha jabhada.

Horufadhi News

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=78947

Posted by on Oct 7 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...
  • Abdi: Mayarkaas Hargeisa wax baa ka jira. Media-hu waa weriyey in “Bisad Suulli Ku Dhacday La Badbaadiyey oo...
  • Rasta buuni: Rasta
  • Abdi: War Majeerteen guracan iga dheh.
  • Abdi: Marxuumkaas waxa loo dillay “Position ka shaqo ee uu hayey”. Sida darteed, dadka sida deg dega ah...