|

Daawo:-Puntland Dooni lagu waayey Badda-cas oo Saaka dib loo helay.

Boosaaso (HM)-Guddoomiyaha gobolka Gardafuu Maxamuud Axmed Caynab iyo wasiirka Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda puntland Faarax Maxamuud Cawaash ayaa warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay in dib loo helay doonni nooca kalluumeysiga ah oo todobaadkii hore lagu waayay xeebaha Badda Cas.

Guddoomiyaha Guardafui ayaa sheegay in doonnida la waayay Isniintii todobaadkii hore kadib markii ay ka baxday xeebta degmada Bareeda ee gobolkaasi balse saaka dib looga helay meel 70mile u jirta xeebta degmada Boosaaso.

HALKAN KA DAAWO

Sidoo kale wasiirka kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda Puntland Faarax Maxamuud Cawaash oo isna la hadlay Warbaahinta Puntland ayaa sheegay in doonta ay saarnaayeen 8 shaqaale ah oo isugu jira 5 Soomaali ah hal qof oo Kenyan ah iyo laba Carab ah. Mudane Cawaash ayaa xaqiijiyay in dhammaan rakaabkii saarnaa doonnidaasi ay bad-qabaan.

Wasiirka ayaa sheegay doontan ay heshay doonni kale oo ganacsi kadibna la cillad bixiyay, islamarkaana ay safarkeedi ku wajahnaa magaalada Mukalla ee dalka yemen ay sii wadatay.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=78931

Posted by on Oct 6 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...
  • Abdi: Mayarkaas Hargeisa wax baa ka jira. Media-hu waa weriyey in “Bisad Suulli Ku Dhacday La Badbaadiyey oo...
  • Rasta buuni: Rasta
  • Abdi: War Majeerteen guracan iga dheh.
  • Abdi: Marxuumkaas waxa loo dillay “Position ka shaqo ee uu hayey”. Sida darteed, dadka sida deg dega ah...