|

Daawo:-Cali Khaliif oo ku dhawaaqay inuu Muqdisho ka degayo mudo 5-sano ah kadib.

Laascaanood ( HM) Dr. Cali Khaliif Galaydh Madaxwaynihii Maamulkii Khaatumo  ee iska kala harjaday isla markana u kala galay maamulada hareeraha oo Mudooyinkii dambe ku sugnaa Magaalada Hargeisa ee Caasimadda maamulka aqoonsi raadiska ah ee Soomaliland,  ayaa sheegay inuu   ka degi doono magaalada Muqdisho ee xarunta Dalka.

HALKAN KA DAAWO

“Safar deg deg ah ayaa isoo galay,  Waxaan sii marayaa Adis-ababa,  kadibna waxaan uga sii gudbi doonaa magaalada Muqdisho, oo Mudo 5-Sano ah aan tegin,  Muqdisho waa dal Soomaaliyeed,     Waxaana u tagayaa Arin degdeg ah oo Shaqsi ah,  Marka ay Howshaasi ii soo dhamaato waan kusoo noqon doonaa halkan”.

Wuxuu Rajjo wanaagsan ka muujiyey Heshiiskii Khaatumo ay la gashay  maamulka Somaliland “Anigu Warkayga waan cadaystaa, Anigoo Hargeisa  jooga ayaan leeyahay Dadaal badan ayaanu gelinay Heshiiskii Khaatumo iyo Somaliland,  Hadana meel-wacan ayuu Marayaa,  Reer Khaatumo iyo kuwii naga soo horjeedayba wax fiican ayay ka filayaan Heshiiskan”. Ayuu yidhi Galaydh.

Horufadhi News

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=78901

Posted by on Oct 6 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...
  • Abdi: Mayarkaas Hargeisa wax baa ka jira. Media-hu waa weriyey in “Bisad Suulli Ku Dhacday La Badbaadiyey oo...
  • Rasta buuni: Rasta
  • Abdi: War Majeerteen guracan iga dheh.
  • Abdi: Marxuumkaas waxa loo dillay “Position ka shaqo ee uu hayey”. Sida darteed, dadka sida deg dega ah...