|

Farmaajo oo maanta saxiixaya sharci cusub-Akhriso

Muqdisho (HM) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo) ayaa gelinka dambe lagu wadaa inuu  saxiixo sharciga dhismaha guddiyada la dagaalanka Musuqmaasuqa ee labada heer.

Munaasabad si heer sare loo soo agaasimay ayaa saacadaha soo socda la filayaa in lagu qabto xarunta madaxtooyada Qaranka, taas oo lagu meel marinayo sharcigaasi.

Sharciga dhismaha guddiyada la dagaalanka musuqmaasuqa oo soo maray heerar kala duwan ayaa ugu dambeyn maanta oo Sabti ah lagu wadaa in qalinka uu ku duugo Madaxweyne Farmaajo.

Sharcigan ayaa ah mid muhiimad gaar ah u leh dalka, islamarkaana xilligan loo qabo baahi weyn guud ahaan Soomaaliya

Haddii uu dhaqan galo sharcigan weliba sidii loogu tala galay ayaa waxaa uu wax ka bedali doonaa arrimaha musuqa ee ka jira ee hay’adaha dowladda iyo guud ahaan dalka.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=78320

Posted by on Sep 21 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...
  • Abdi: Mayarkaas Hargeisa wax baa ka jira. Media-hu waa weriyey in “Bisad Suulli Ku Dhacday La Badbaadiyey oo...
  • Rasta buuni: Rasta
  • Abdi: War Majeerteen guracan iga dheh.
  • Abdi: Marxuumkaas waxa loo dillay “Position ka shaqo ee uu hayey”. Sida darteed, dadka sida deg dega ah...