|

Daawo:-Xiisad Colaadeed oo ka kasoo cusboonaatay G.Sanaag iyo khasaare ka dhashay dagaal dhacay.

Ceerigaabo (HM) Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo markale dib uga Qarxay deegaano hoostaga degmada Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag.

Dagaalka ayaa wuxuu u dhexeeyey labo maleeshiyo beeleed oo wada daga halkaasi, Wuxuuna dagaalku yimid, kadib markii meelashiyaadkaasi ay isku qabteen arrimo la xariira dhul daaqsimeed.

HALKAN KA DAAWO 

Guddoomiyaha gobolka Sanaag ee maamulka Soomaliland,Maxamed Axmed Caalin (Tiinbaro) ayaa xaqiijiyey in dagaalkaasi ay ku dhinteen illaa 5 qof, kuna dhaawacmeen 9 kale.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in xiisadaasi ay ku baxeen ciidamada Somaliland, islamarkaana haatan xaaladdu ay tahay mid degan.

Xiisadan dib uga soo cusboonaatay gobolka Sanaag, ayaa ku soo aadeysa, iyadoo saacadihii la soo dhaafay colaadaha gobolkaasi uu si kulul uga hadlay Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo sheegay inay ka maamul ahaan ka hortagi doonaan

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=78343

Posted by on Sep 21 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...
  • Abdi: Mayarkaas Hargeisa wax baa ka jira. Media-hu waa weriyey in “Bisad Suulli Ku Dhacday La Badbaadiyey oo...
  • Rasta buuni: Rasta
  • Abdi: War Majeerteen guracan iga dheh.
  • Abdi: Marxuumkaas waxa loo dillay “Position ka shaqo ee uu hayey”. Sida darteed, dadka sida deg dega ah...