|

Daawo:-Axmed Madoobe oo weerarkii ugu culuslaa ku qaaday Dowladda Federaalka ah, kana hadlay xadhigii Janan-Video

Kismaayo ( HM) Axmed Maxamed Islaam  [Madoobe] oo kamid ah Saddexdii Madaxwayne ee dhowaan lagu doortay magaalada Kismaayo,  ayaa Markii ugu horaysay Shir Jaraa’id oo uu Qabtay Wuxuu uga hadlay Xaalada maamulka Jubbaland iyo Guud ahaanba dalka.

Wuxuu dhaliilo badan u jeediyey Dawladda dhexe ee Soomaaliya , Isagoo sheegay in Doorashadii 2017-ka ee Madaxwayne Farmaajo iyo Xukuumadiisa uu dalku dhib u noqday sida uu hadalka u dhigay, Wuxuuna sidoo kale ka hadlay Dawladihii hore ee dalka Soo maray.

“Waa la waayey dhamaan Amnigii dalka, Qaraxyadii ugu badnaa ayaa Muqdisho ka dhacay, Madaxtooyadii ayaa Qaraxyo ku socdaan,   Waxaa Burburay Ciidamadii dhisnaa oo aad garanaysaan maanta meesha uu taagan yahay,  waxaa burburay dhismihii maamulada Federaalka, Waxaa Cunaqabatayn dhaqaale lagu soo rogay dalkii oo dhan, laga soo bilaabo Somaliland,   Dawladdi waxay noqotay mid lagu Hungoobay.” Ayuu yidhi Axmed Madoobe.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Axmed Madoobe Wuxuu ka hadlay  Xaalada maamulka Jubbaland , Wuxuuna sheegay in deegaanada lagu Xoreeyay isku tashi  ka yimid dadka reer Jubbaland. “Markii aan Kismaayo soo galeynay dhaawac iyo Meyd ayaa wadanay, dadka hada hadlaya Stursbucks ayay Coffee ku cabayeen”

Muxuu yahay dagaalka ka dhaxeeya Jubbaland iyo Dawladda Federaalka  ah ? ayuu is waydiiyey.

“Hadii sharciga lagu kala dambayn waayo, oo Dastuurka lagu dhaqmi waayo, Qofna Qof kama Xoog badna,  Khilaafka waxaanu ku doodnay in dastuurka loo noqdo,   Waxaanu ka doodnay doorashada 2020 sida ay noqon doonto,   Sida Khayraadka loo qaybsanayo,  Taasi ayaa keentay in maamuladii la Burburiyey.” Ayuu yidhi Axmed madoobe.

Xiligii Doorashada ayuu sheegay inay Dawladdu Faragelin ku samaysay Arimaha Jubbaland, Wuxuuna ka hadlay Arimo kala duwan oo uu kamid yahay Xadhigii Wasiir Janan iyo go’aankii Hay’adaha Xaquuqda Aadanahu ay ku taageertay .

“Wasiirkii Amniga Jubbaland ayaa la xidhay ee maxaa lagu xidhay, Horay ayaa dambiyada loo haystay loogu waayey, Isagoo shaqo ku jira ayaa la xidhay, Iyadoo Dano Siyaasadeed laga leeyahay.”

“Amnesty International mey wax ka qabato oo shalay uga hadli weyday C/raxmaan C/shakuur ciidankiisa Muqdisho lagu laayay, Dadkii Baydhabo lagu laayay, ninkii lahaa xoog baa leenahay ee lagu dalacsiiyay weliba Taliye laga dhigay” Ayuu yidhi Hadalkiisa raaciyey Axmed Madoobe.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=78097

Posted by on Sep 12 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: War Majeerteen guracan iga dheh.
  • Abdi: Marxuumkaas waxa loo dillay “Position ka shaqo ee uu hayey”. Sida darteed, dadka sida deg dega ah...
  • Abdi: Mr. R. Mustaqbal; Waan ka xumahay in maqaalka uu ka soo dheereeyey “Raalli gelin ay bixisay Dawladda...
  • mohamuud: BEESHA ISAAQ DADKA WAR HAUGA DHIGIN MAGACOODA WEBKA DHAN BAAD KU XAYAYSIISATAY MA HUNGURI SHILIMO AYAA GALAY
  • turab: https://www.youtube.com/watch? v=6CtwuCk1vKM