|

Dowladda Rwanda oo qaaadaysa tahriibayaal Soomaali ah oo dhibataysan-Akhriso

Kigali ( HM ) Dowladda Rwanda iyo Qaramada Midoobey ayaa isku raacay in ay dowladda Kigali la wareegto Maxaabiista Tahriibayaasha ah ee ku jira Xabsiyada dalka Liibiya.

Heshiis ay kala saxiixdeen Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Qaxootiga iyo Dowladda Rwanda ayaa waxaa ay isku raaceen in todobaadyada soo socda 500 Qof oo ku jira Xabsiyada Liibiya la dejiyo dalka Rwanda.

Tarhiibayaashan ayaa u kala dhashay dalalka Somalia, Eritrea iyo  Sudan,waxaana ay u badanyihiin dadka nugul sida Carruurta,Haweenka iyo dhallinyarada.

Germaine Kamayirese,oo ah Wasiirka Wasaaradda arrimaha Qaxootiga ee dowladda Rwanda ayaa beenisay in qaabilaadda Qaxootiga ay lacag kaga heleen Qaramada Midoobey.

Wasiiradda waxaa ay sheegtay in ficilka Rwanda uu yahay kaliya mid bani’adamnimo iyo Afrikaannimo waxaana ay meesha ka saartay in ay lacag ku heshay dowladdeeda.

Qaramada Midoobey ayaa Bishii july ee sanadkan ku dhawaaqday in la xiro dhamaan Xabsiyada Liibiya oo  ay sheegtay in aysan u qalmin meel bani’adam ku noolaado.

Sidoo kale waxaa jirtay isla xilligaas in dhinacyada ku dagaallamaya Liibiya ay beegsadeen Xabsiyo ay ku jireen Tahriibayaasha halkaas oo ay ku dhinteen dad ka badan 50 Qof.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=78053

Posted by on Sep 11 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: War Majeerteen guracan iga dheh.
  • Abdi: Marxuumkaas waxa loo dillay “Position ka shaqo ee uu hayey”. Sida darteed, dadka sida deg dega ah...
  • Abdi: Mr. R. Mustaqbal; Waan ka xumahay in maqaalka uu ka soo dheereeyey “Raalli gelin ay bixisay Dawladda...
  • mohamuud: BEESHA ISAAQ DADKA WAR HAUGA DHIGIN MAGACOODA WEBKA DHAN BAAD KU XAYAYSIISATAY MA HUNGURI SHILIMO AYAA GALAY
  • turab: https://www.youtube.com/watch? v=6CtwuCk1vKM