|

Daawo:-Soomaaliya oo ka hadhay koobka adduunka ciyaar adagna la gashay xulka Zimbabwe-Video

Laascaanod  ( HM ) Magaalada Harare ee Caasimadda Zimbabwe waxaa galabta ka dhacday lugtii labaad ee ciyaaraha isreeb-reebka Koobka Adduunka oo Soomaaliya ay markii hore kusoo adkaatay 1-0, ciyaartaas ayaa ka dhacday Dalka Jabuuti, waxaa Goalka guusha u dhaliyay Soomaaliya Xidiga Anwar.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Xulka Soomaaliya ayaa ka haray isreebreebka Koobka Adduunka ee wadamada Afrika ka dib markii ay guuldarro 3-1 ka soo gaartay Zimbabwe kulankii lugta labaad ee ka dhacay magaalada Harrare taasoo ka dhigeysa in wadar ahaan ay labada lug ku soo dhamaatay 3-2 oo ay xulka Zimbabwe ku soo baxeen.

Soomaaliya ayaa ka hartay isku aadka Koobka Adduunka iyadoo madaxooda uu sareeyo madaama ay durbaba dhigeen taariikh iyagoo guushii ugu horeysay abid ka gaaray isreebreebka Koobka Adduunka halka ay sidoo kale iska caabiyeen xulka ugu qiimeyn sareeya xulalka ka qeyb qaadanaya is araga hore ee isreebreebka ee wadamada Afrika.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=78015

Posted by on Sep 10 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: War Majeerteen guracan iga dheh.
  • Abdi: Marxuumkaas waxa loo dillay “Position ka shaqo ee uu hayey”. Sida darteed, dadka sida deg dega ah...
  • Abdi: Mr. R. Mustaqbal; Waan ka xumahay in maqaalka uu ka soo dheereeyey “Raalli gelin ay bixisay Dawladda...
  • mohamuud: BEESHA ISAAQ DADKA WAR HAUGA DHIGIN MAGACOODA WEBKA DHAN BAAD KU XAYAYSIISATAY MA HUNGURI SHILIMO AYAA GALAY
  • turab: https://www.youtube.com/watch? v=6CtwuCk1vKM