|

Daawo:-Shuruudo lagu xidhay kor u kaca ganacsiga Soomaaliya-Video

 Muqdisho (HM)-Bangiga Aduunka ayaa sheegaya in uu rajeynayo in dhaqaalaha Soomaaliya uu sanadkan 2019 uu sarre u kaco 1%. Sanadkii hore, wuxuu ahaa 2.8%, waxaana midkan la filayaa in uu gaaro 2.9%.

Bartamaha sanadkan ayuu tibaaxay in uu ku kalsoon yahay in uu noqdo 3.2% illaa iyo 3.5%, inkasta oo shuruud lagu xiray in uu heerkaasi u talaabsado, sidda laga soo xigtay warbixin soo baxday Axadii.

HALKAN KA DAAWO XOG

Sidda ku cad qormadda, shuruuda ayaa waxay tahay sida loo joogteeyo dib u habeynta dhaqaalaha ee ay haatan wado dowladda, taasi oo horseedeysa kobac joogto ah.

Dalka dhaca Geeska Afrika ayaa xasilooni daro kasoo kabanaya tan iyo 1991-dii kadib dagaal sokeeye. Tobbankii sano ee lasoo dhaafay, waxaa radaadiyey weeraro argagixiso oo ay geysaneyso AlShabaab.

Dhinaca kale, warbixinta ayaa lagu sheegay in dowladdu horumar ka sameysay dhanka canshuur uruurinta, taasi oo laga dareemayo sarre u kac 29%, taasi oo ka dambeysay markii la bedelay lix siyaasad oo ku wajahan.

“Iyadda oo ay tahay tani mid la dhiirogeliyo, haddana wali ma ahan mid ku filan dakhliga ay u baahan yihiin waaxyaha caafimaadka iyo waxbarashadda,” ayuu Bangigu ku sheegay maqaalkiisa.

Canshuur qaadida dowladda ayaa waxaa hareer-socota mid kale oo ay qaataan AlShabaab, taasi oo xitaa ka badan tan dowladda, sidda lagu ogaadey baaris kala duwan oo ay sameeyeen warbaahino caalami ah.

Wasiirka Maaliyadda, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa si cad ugu sheegay wargeyska Washington Post in aysan waxba ka qaban karin dakhliga Shabaabka uga soo xarooda meelo ay Muqdisho kamid tahay.

World Bank ayaa si adag wuxuu Xukuumadda Muqdisho ugu booriyey in ay dhaqaalo badan oo cadaan ah ay ka hesho maamuladda si ay ugu dhiirogeliso Tacliinta.

Bishii May, hay’adda lacagta aduunka ayaa sheegtay in dhaqaalaha Soomaaliya uu ku socda dhabihii saxda ahaa, balse waxay ka digtay in uu wali khatar ugu jiro amni daro, isbedelka cimilada iyo saboolnimada.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=78031

Posted by on Sep 10 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: War Majeerteen guracan iga dheh.
  • Abdi: Marxuumkaas waxa loo dillay “Position ka shaqo ee uu hayey”. Sida darteed, dadka sida deg dega ah...
  • Abdi: Mr. R. Mustaqbal; Waan ka xumahay in maqaalka uu ka soo dheereeyey “Raalli gelin ay bixisay Dawladda...
  • mohamuud: BEESHA ISAAQ DADKA WAR HAUGA DHIGIN MAGACOODA WEBKA DHAN BAAD KU XAYAYSIISATAY MA HUNGURI SHILIMO AYAA GALAY
  • turab: https://www.youtube.com/watch? v=6CtwuCk1vKM