|

Daawo:-Codadkii iyo weedhihii ka hor dhimashadiisa uu ku dhawaaqayey Jamal Khashoggi!!.

Laascaanood (HM)-Jamal Khashoggi ayaa bishii October ee sanadkii 2018-kii waxaa Qunsulyadda xukuumada Riyadh ee Istanbul ku dhex-khaarijiyey cutubyo kamid ah sirdoonka dalka Sacuudiga.

Wargeyska Daily Sabah ayaa wuxuu soo bandhigay codad ay duubeen cod-baahiyeyaal daahsoon oo uu leeyahay mukhaabaraadka Turkiga kuwaasi oo muujiyey qaabka ay wax u dhaceen.

Waa markii ugu horeysay oo si rasmi ah loo baahiyo macluumaadka ku jira codadkaasi, wallow hore loo shaaciyey in la hayo.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Codadka ayaa waxaa kasoo muuqday laba ruux, kuwaasi oo ka hadlaya qaabka ay u jar-jari doonan jirka Khashoggi kadib geeridiisa.

Gabagabada wada xaajoodka, midkood ayaa wuxuu waydiin doonaa kan kale, hadii “xoolo loogu abaalmarin doono” kadib falkan.

Sidda ku xusan codadka, Khashoggi ayey kadib ku amrayaan in uu wiilkiisa u sheego in uu bad-qabo, balse waa uu ka diidayaa, iyaga oo intaasi kadib horkeenaya Boorso ay madaxa u gelin doonan.

Marka sidaasi lagu sameeyo waxa uu ku oran doonaa: “Ha sameynina sidaan, neefta ayaa igu xirmeysaa”. Hase ahaatee, dheg-jalaq uma siinayan.

Iyadda oo wada hadalkoodu yahay in ay kusii xiiraan Boorsada ayna is waydiinayan hadii uu wali dhaqdhaqaaqayo, codad neefasho ah iyo iska caabin ayaa waxaa la maqlayaa ka gedaal.

Kadib marka ay nafta ka baxdo, kooxda ayaa bilaabeysa in ay jarjaraan jirkiisa oo qaadaneysa muddo 30-daqiiqo ah. Kadib marka ay jarjaraan waxay ku ridayaan Boorso laga saarey safaarada. Haraaga wali lama helin.

Howlgalkan oo la rumeysan yahay in ay fuliyeen koox tirro ah ayay codku muujinayan in midkood isaga oo jarjaritaanka wada uu dhageysanayo Hees, uuna cabayo Sigaar iyo Kafey.

Dilka wariyahan oo xiisad diblumaasiyadeed abuuray ayaa waxaa lagu eedeeyay Sacuudiga, wallow ay dafireen, haddana Qaramada Midoobay waxay soo jeedisay baaritaano dheeraad ah.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=78020

Posted by on Sep 10 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: War Majeerteen guracan iga dheh.
  • Abdi: Marxuumkaas waxa loo dillay “Position ka shaqo ee uu hayey”. Sida darteed, dadka sida deg dega ah...
  • Abdi: Mr. R. Mustaqbal; Waan ka xumahay in maqaalka uu ka soo dheereeyey “Raalli gelin ay bixisay Dawladda...
  • mohamuud: BEESHA ISAAQ DADKA WAR HAUGA DHIGIN MAGACOODA WEBKA DHAN BAAD KU XAYAYSIISATAY MA HUNGURI SHILIMO AYAA GALAY
  • turab: https://www.youtube.com/watch? v=6CtwuCk1vKM