|

Soomaliland oo soo saartay amaro yaab leh oo ka dhan ah Dowladda Federaalka Soomaaliya-Akhriso

Hargeysa (Caasimada Online) ―Maamulka Somaliland ee uu hogaamiyo  Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta soo saartay, isla markaana ku dhawaaqday amaro cusub oo ka dhana dowladda federaalka Soomaaliya.

Maxamed Muuse Diiriye, Wasiirka warfaafinta maamulka Somaliland oo maanta kulan la yeeshay madaxda telefishanada madax banaan ee ka howl-gala gudaha Somaliland, ayaa wuxuu faray in xiliga war-tebinada ay soo hor-mariyaan wararka Somaliland, isla markaana ay wararka Soomaaliya raaciyaan kuwa kale ee dibada.

Wasiirka ayaa sheegay in Somaliland ay tahay dal madax-banaan oo Soomaaliya ay kala yihiin labo dal iyo labo dowladood, inkasta oo beesha caalamka iyo dunida inteeda kaleba ay u aqoonsantahay maamul ka tirsan Dowlada Soomaaliya.

Awaamiirtan uu maanta ku dhawaaqay wasiirku ayaa waxa dhaqan-galkooda ay Wasaaradda Warfaafintu u muddaysay mudo dhan labo todobaado oo ka bilaabaneysa maanta oo ay taariikhdu tahay 09/09/2019-ka, sida lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Wasiirka warfaafinta Somaliland.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedkaasi

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=77986

Posted by on Sep 9 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Rasta buuni: Maxuma
  • Turab: Bismillaah Allaah baa mahadleh, Shariif la soo gamay, mar haddii wixii caloosha ugu jirey afkiisii ka xaday....
  • Rasta buuni: War fiican
  • Turab: Bismillaah; Sanbaloolshe, waa siyaasi isagoon u qaan gaadhin siyaasada, oo qaxooti degan Ingiriiska xilal...
  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...