|

Daawo:-Puntland oo xaqiijisay inay qabatay Al-shabaab xidhiidh la leh Soomaliland-Video

Garoowe  ( HM ) Taliyaha ciidamada Daraawiishta ee mmulka Puntland, Sareeye Gaas Yaasiin Cumar Dheere oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada maamulkaasi ay gacanta ku dhigeen xubno ka tirsan Al-Shabaab, islamarkaana xidhiidh la leh maamulka Somaliland sida uu hadalka u dhigay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Taliyaha ayaa xusay in xubnaha la qabtay ay qirteen inay yihiin Al-Shabaab, islamarkaana ay isbaheysi la yihiin Somaliland, Wuxuuna  tilmaamay in xubnahani lagu qabtay agab iyo dhaqaale laga keenay Somaliland, una wadeen buuraha Galgala oo ay ku xoogan yihiin Alshabaab.

Dhinaca kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka Somaliland oo ku aadan raggaasi ay qabteen ciidamada Puntland.

Dhowaan ayey aheyd markii Puntland shaacisay in ciidanka Soomaliland iyo Alshabaab oo wada socda ay dulaan ku yihiin gobolka Sanaag, Iyadoona Arintaasi ay si kulul uga Jawaabtay Somaliland oo sheegtay inaanu Jirin Xidhiidh kala dhexeeya Kooxaha Xagjirka ah.

Puntland iyo Somaliland  ayaa ku Muransan Gacan ku Haynta Gobolada Sool iyo Sanaag, waxaana Jira Eedaymo kala duwan oo ay Warbaahinta isku Mariyaan.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=77978

Posted by on Sep 9 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Rasta buuni: Maxuma
  • Turab: Bismillaah Allaah baa mahadleh, Shariif la soo gamay, mar haddii wixii caloosha ugu jirey afkiisii ka xaday....
  • Rasta buuni: War fiican
  • Turab: Bismillaah; Sanbaloolshe, waa siyaasi isagoon u qaan gaadhin siyaasada, oo qaxooti degan Ingiriiska xilal...
  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...