|

Daawo:-Tahriibeyaal Itoobiyaan ah oo dil iyo dhaawac loogu geystay Hargeysa-Video

Hargeysa (HM)-Laba muhaajiriin Itoobiyaan ah ayaa lagu khaarijiyey, laba kalena waa lagu dhaawacay kadib weerar ka dhacay duleedka Hargeysa ee caasimadda maamulka Soomaliland.

Taliska Booliska oo shaaciyey in dhacdadan lagu soo war-geliyay Khamiistii ayaa weerarka lagu beegsaday ajaaniibtan wuxuu ku sifeeyay mid salka ku haya “burcadnimo’.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Taliye ku xigeenka bileyska, Sareeyo Guuto, Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle ayaa tilmaamay in rag ka tuhunsan yahay in ay ka dambeeyeen falkan gacanta lagu soo dhigay.

Mr Fooxle ma uusan ka jawaabin su’aal ku aadaneyd tiradda saxda ah ee shaqsiyaadkaasi iyo suurtogalnimada iyo falka u ahaa mid ku saleysanaa “soo galooti naceyb”.

Sarkaalkan oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu ku adkeystay in baaritaan uu ku socdo xubnahaasi, isla markaana kadib ay fahfaahin buuxda ka bixin doonan shaqaaqadan.

Ajaaniibta dilka iyo dhaawaca loo geystay ayaa waxaa la sheegay in ay kasoo jeedan qowmiyadda Oromadda, sidda ay xaqiijisay Qunsulyadda xukuumada Addis Ababa ee Hargeysa.

Somaliland, maamul gooni isu taag sheegta balse caalamka u aqoonsan yahay in uu hoostago dowlada Soomaaliya, ayaa kamid ah marinada tahriibeyaasha qaar kamid ah dalalka deriska.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=77317

Posted by on Aug 23 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Rasta buuni: Maxuma
  • Turab: Bismillaah Allaah baa mahadleh, Shariif la soo gamay, mar haddii wixii caloosha ugu jirey afkiisii ka xaday....
  • Rasta buuni: War fiican
  • Turab: Bismillaah; Sanbaloolshe, waa siyaasi isagoon u qaan gaadhin siyaasada, oo qaxooti degan Ingiriiska xilal...
  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...