|

Deg Deg:-Xaalada Laascaanood oo kacsan maleeshiyaadka Soomaliland oo rasaas nool adeegsanaya-Video

Laascanod ( HM) Xaalada magaalada Laascaanood maanta Kacsan, Illaa iyo Iminka lama xaqiijin karo tirada rasmiga ah ee dhaawacyada dadkii saaka ay xabada la dhaceen Ciidamo maleeshiyaadka Somaliland kuwaa oo kula eryayey mudaharaadyaasha illaa xalay ka wadey suuqyada magaalada .

Cusbitaalada Lasanod General Hospital iyo Manhal Hospital ayaa la soo gaadhsiiyey tiro dhaawacyo ah kuwaa oo u badan dhalinyaro, Islamarkaana  Xaaladooda Lagula tacaalayaa.

HALKAN KA DAAWO VIDEO LAASCANOD 

Dhakhaatiirtada Cusbitaalladan gaar ahaan Cusbitaalka Manhal ayaa ku baaqay in loo baahan yahay dhiigag u badan 0-.

Kacdoonka shacabka ayaa Salka ku haya   Nin shacab ah oo dhowaan maleeshiyaadka Somaliland ku dileen gudaha magaalada Laascaanood, kaasi oo aan Weli maydkiisa la Aasin.

Maamulka gobolka  ugu magacaaban maamulka Hargesa ayaan weli ka hadal xaalada waxaan magaalada gudaha usoo galay boqolaal kamid ah baabuurta gashaaman ee maleeshiyaadka kuwaasoo Hubka culus ku garaacaya xaafadaha kala duwan ee Magaalada Laascaanood shacabkana aan u miidaan dayeyn.

Kacdoonkan shacabka ayaa laga yabaa inuu halkiisaa kasii socdo ilaa Soomaliland Laascaanood ay isaga baxdo ama in ay ka jawaabto isla markaana gacanta usoo galiso reer Laascaanood askartii dilka gaystay ee iyaga aysan Soomaliland wax talaabo ah ka qaadin.

Horufadhi News.

 

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=77182

Posted by on Aug 21 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: War Majeerteen guracan iga dheh.
  • Abdi: Marxuumkaas waxa loo dillay “Position ka shaqo ee uu hayey”. Sida darteed, dadka sida deg dega ah...
  • Abdi: Mr. R. Mustaqbal; Waan ka xumahay in maqaalka uu ka soo dheereeyey “Raalli gelin ay bixisay Dawladda...
  • mohamuud: BEESHA ISAAQ DADKA WAR HAUGA DHIGIN MAGACOODA WEBKA DHAN BAAD KU XAYAYSIISATAY MA HUNGURI SHILIMO AYAA GALAY
  • turab: https://www.youtube.com/watch? v=6CtwuCk1vKM