|

Deg Deg Daawo:-Laascaanood maleeshiyaadka Soomaliland oo gudaha u galay iyo xaalada dhaawacyada-Video+Sawiro

Laascaanood (HM)-Wararkii ugu dambeeyay ee Laascaanood ayaa sheegaya in ciidamo maleeshiyaadka Soomaaliland ay guud ahaan la wareegeen magaalada meelaha ugu muhiimsan gaar ahaan xaafadaha koonayaasha oo dhan iyo meelaha faris magaalada ah sida Suuqa Rooyal aaga Goolada, Xaafada Yagoori-cadhootay iyo Kaantaroolka Koonfureed iyo ka bari oo lagu arkayo boqolaal ciidanka Maleeshiyaadka somaliland ah.

Ciidanka Soomaliland, Laascaanood kasoo buuxisay oo laga keenay Gobalka Togdheer iyo qaar jiidaha hore ee Tukaraq ku sugnaa ayaa yimid kadib banaabaxyo xoog leh oo ilaa xalay ilaa maanta la socda Laascaanood kuwaasoo lagaga soo hor jeedo gabi ahaanba maamulka Hargeysa iyo wixii ka jooga Gobalka Sool.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Banaanbaxa ayaa noqday mid rabshada wata iyagoo shacabku codsanayaan in Soomaliland usoo gacan galiso askartii maleeshiyaadka ee dilka gaystay waxaana intaas kadib rasaas nool adeegsaday intay goobaha mudaharaadka Soo gaadheen Ciidanka Soomaliland iyagoo ku amraya in shacabku kala tagaan tasoo shacabkuna diideen waxana intaas kadib Soomaliland dalbatay ciidan kale oo Hubeysan waxaana ay xidhxidheen qaar kamid ah banaanbaxayasha oo hada lagu xareeyay saldhiga Galbeed waxaana sida wararku sheegayaan laga yabaa in ay u dabusho Jeelasha Caynaba iyo Jeelka Mandheera.

Sidoo kale dhaawacyadii ayaa lagu dabiibayaa Cusbitaalka Manhal waxaana ay dhakhatiirtu deg deg u codsanayaan dhiig 0+ ah.

Xubnaha Calooshood u shaqaystayaasha ah ee maamulka Hargeysa ka jooga Laasnod yaa ka hadal ilaa hada xaalada waxaana ay isha ka daawanayaan dhibta iyo gabood falka shacabka ay u gaysanayaan Ciidamada laga keenay Burco iyo Hargeysa.

Horufadhi News

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=77196

Posted by on Aug 21 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: War Majeerteen guracan iga dheh.
  • Abdi: Marxuumkaas waxa loo dillay “Position ka shaqo ee uu hayey”. Sida darteed, dadka sida deg dega ah...
  • Abdi: Mr. R. Mustaqbal; Waan ka xumahay in maqaalka uu ka soo dheereeyey “Raalli gelin ay bixisay Dawladda...
  • mohamuud: BEESHA ISAAQ DADKA WAR HAUGA DHIGIN MAGACOODA WEBKA DHAN BAAD KU XAYAYSIISATAY MA HUNGURI SHILIMO AYAA GALAY
  • turab: https://www.youtube.com/watch? v=6CtwuCk1vKM