|

Deg Deg:-Axmed Karaash oo gabi ahaanba qaadacay gudigii Siciid Deni magacaabay-Akhriso

Garoowe (HM)-Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) ayaa gebi ahaanba qaaddacay guddiga doorashooyinka ku meel gaadhka ah ee uu magacaabay madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni maalintii shalay.

Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland oo lagu socod-siiyay Golaha Wakiilada Puntland islamarkaana la ogaysiiyay Xeer Ilaaliyaha guddoomiyaha Maxkamadda sare iyo Garyaqaanka guud ee puntland ayaa madaxweyne ku xigeenku ku qaadacay magacaabista guddiga doorashooyinka Puntland oo sida qoraalka lagu sheegay aan lagala tashan.

Sidoo kale madaxweyne ku xigeenka ayaa waxba kama jiraan ka soo qaaday magacaabista guddiga doorashooyinka Puntland maadaama sida uu sheegay ay baalmarsantahay Dastuurka Puntland oo dhigaya in madaxweyne ku xigeenka lagala tashado.

Arrinta ayaa waxaa ay bilow u noqon kartaa khilaaf soo kala dhex gala Madaxda ugu saraysa maamulka Puntland sida Karaash iyo Deni.

Qaadacada Axmed Karaash ee Gudigan uu magacaabay Deni ayaa waxaa ay imaanaysaa iyadoo markii ugu horeysay ay soo shaac baxdo inuusan Madaxweynaha la tashan ku xigeenkiisa waxaana jirin wax khilaaf ah oo hore loo ogaa iyago wada shaqayn wanaagsan lahaa mudadii ay joogeen Madaxtooyada Puntland Siciid Deni iyo Axmed Karaash.

Horufadhi News.

Warar sugan iyo Muuqaalo.

Horufadhi.com@gmail.com

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=76981

Posted by on Aug 18 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: War Majeerteen guracan iga dheh.
  • Abdi: Marxuumkaas waxa loo dillay “Position ka shaqo ee uu hayey”. Sida darteed, dadka sida deg dega ah...
  • Abdi: Mr. R. Mustaqbal; Waan ka xumahay in maqaalka uu ka soo dheereeyey “Raalli gelin ay bixisay Dawladda...
  • mohamuud: BEESHA ISAAQ DADKA WAR HAUGA DHIGIN MAGACOODA WEBKA DHAN BAAD KU XAYAYSIISATAY MA HUNGURI SHILIMO AYAA GALAY
  • turab: https://www.youtube.com/watch? v=6CtwuCk1vKM