|

Xiisad Dagaal iyo isku Hub uruursasho ka taagan Ceel-Afweyn..

Laascaanood (HM)-Wararka laga helayo deegaanka Ceel-Afweyn ee Gobolka Sanaag ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta halkaasi ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa laba maleeshiyo Beeleed.

Xiisada ayaa ka dambeysay, kadib markii laba Maalin ka hor maleeshiyaad hubeysan ay rasaas ku fureen Goob kaalin shidaal lagu iibiyo ah,isla markaana rasaastas ay ku geeriyoodeen 7 ruux oo Afar ka mid ah ay haween ahaayeen.

Mid ka mid ah dadka deegaanka Ceel-Afweyn ayaa sheegay in maleeshiyaadka kasoo kala jeeda dadkii la dilay iyo kuwii ka dambeeyay dilkooda ay isku hub aruursanayaan lagana cabsi qabo inay dagaalamaan.

Deegaanka Ceel-Afweyn ayaa waxaa sidoo kale ku sugan Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Soomaaliland, hayeeshee dhowr mar ay ku fashilmeen inay kala dhex galaan maleeshiyo beeleedyada oo wada dagaalamay.

Dadka deegaanka Ceel-Afweyn qaarkood ayaa waxaa ay sheegayaan inay dareemayaan cabsi dagaal, isla markaana Goobaha qaar ee ganacsiga ay xiran yihiin.

Madaxweyne kuxigeenka maamulka Soomaaliland Cabdiraxmaan (Saylici) ayaa shalay sheegay in la qabtay qaar ka mid ah dadkii ka dambeeyay dilkaas oo sababay xiisada Maanta ka taagan deegaanka Ceel-Afweyn.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=76758

Posted by on Aug 14 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Rasta buuni: Maxuma
  • Turab: Bismillaah Allaah baa mahadleh, Shariif la soo gamay, mar haddii wixii caloosha ugu jirey afkiisii ka xaday....
  • Rasta buuni: War fiican
  • Turab: Bismillaah; Sanbaloolshe, waa siyaasi isagoon u qaan gaadhin siyaasada, oo qaxooti degan Ingiriiska xilal...
  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...