|

Deg Deg:-Korneyl Caare oo soo bandhigay qodobo uu sheegay inuu ka aqbalay maamulka Soomaliland-Akhriso

Ceerigaabo (HM) –Korneyl Caare, horjoogaha Jabhadda loogu magacdaray “Dulmi-diid” ee dagaalka kula jirta maamulka Somaliland, ayaa wuxuu xaqiijiyey in uu wada hadalo kula jiro xukuumadda Muuse Biixi.

Wada hadaladda oo yimid kadib markii maamulka Puntland kala noqotay tagaeeradii sarkaalkan kasoo baxsaday ciidamada maamulka Hargeysa ayaa waxaa garwadeen ka ah odayaal ka socda Beeshiisa oo baryahanba ku sugnaa deegaano ka tirsan Gobalka Sanaag.

Isaga oo kasoo muuqday muuqaal lagu baahiyey baraha bulshadda, ayaa Korneyl Caare wuxuu daboolka ka qaadey in wada xaajoodyadda laga sameeyay horumar, isla markaana “la isku afgartay” saddex qodob oo kala ah.

In nabad la raadiyo

In xabad-joojin la sameeyo

In wada hadalo la furo

Geesta kale, qaar kamid ah saraakiisha Ciidamadda maamulka Somaliland gaar ahaan ragga ugu awooda badan ee xilalka sarre haysa ayuu ku eedeeyay in ay kasoo horjeedan “dedaaladda nabadda” ee uu waddo.

“Marka aan soo galo aniga oo nabad wadda, waxaan la kulmayey dhibaatooyin aad u culus oo taliye Nuux [hogaanka taliska ciidamadda Somaliland] uu ka dambeeyo,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Iyadda oo xafiiska Biixi uusan wali ka hadlin wada hadalada oo la sheegayo in ay meel xasaasi ah marayaan, haddane Caare oo sii hadlay ayaa wuxuu ka digay in la isku dayo in awood loo adeegsado.

“Jabhaddan waa mid hubeysan oo golaheeda dhexe leh oo odayaasheeda leh, ma ahan qof qoorta lasoo qabanaayo oo la hogaaminayo. Hadii ay laba qaybood u qabsameyn oo qaybi qabatay Hargeysa qaybina fadhido Ceerigaabo, oo ay suurtogelin waayeen arrintii aynu ku balanay cawaaqib xumada ka imaan doonta cid baa mas’uul ka noqon doonta,” ayuu xusay.

Isku dhacyadda Jabhadda Caare iyo maamulka Somaliland oo muddo socda ayna ka dhasheen dhimasho iyo dhaawac, labada dhinac ah, si lamid ah barakac ah shacab, ayaa xukuumada Biixi ku noqotay laf-dhuun gashay, waxaana sida fiinta uga qayliyey xubnaha kala duwan ee maamulkaas.

Horufadhi news

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=76751

Posted by on Aug 14 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Marxuumkaas waxa loo dillay “Position ka shaqo ee uu hayey”. Sida darteed, dadka sida deg dega ah...
  • Abdi: Mr. R. Mustaqbal; Waan ka xumahay in maqaalka uu ka soo dheereeyey “Raalli gelin ay bixisay Dawladda...
  • mohamuud: BEESHA ISAAQ DADKA WAR HAUGA DHIGIN MAGACOODA WEBKA DHAN BAAD KU XAYAYSIISATAY MA HUNGURI SHILIMO AYAA GALAY
  • turab: https://www.youtube.com/watch? v=6CtwuCk1vKM
  • Turab: Bismillaah Shirtag, ma shalay buu waalaa mise maanta? Shalay wuxuu diidanaa qoladaa gooni goosatada jeegaanta,...