|

Deg Deg:-Al-shabaab oo weerar Qarax ku bilowday iyo Dagaal toos ah ku qaaday Degmadda..

Muqdisho (HM)-War goor dhow na soo gaadhay ayaa sheegaya in qarax loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lagu weeraray Saldhig Ciidamada xoogga dalka ku leeyihiin degmada Awdheegle, halkaasoo todobaadkii hore ay la wareegeen.

Sida wararku sheegayaan qaraxa oo ahaa mid xooggan ayaa waxaa daba socda rasaas culus oo aan kala go’laheyn, sida dadka deegaanka ay soo warinayaan.

Ciidamada xooggan dalka, gaar ahaan kuwa sida gaarka u tababaran ee DANAB ayaa muddooyinkii u dambeeyay waday dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ka dhan ah Al-Shabaab, iyagoo la wareegay deegaano dhowr ah sida Bariire, Sabiid iyo Awdheegle.

Lama oga sida wax u socdaan, waxaana aad u adag in la helo warar rasmi ah oo ku saabsan qaraxa ka dhacay Awdheegle iyo rasaasta culus ee ka scoda.

Inta badan weerarada Al-Shabaab ku qaadaan saldhigyada ciidan waxaa lagu bilaabaa gaadiid qaraxyo laga soo buuxiyo oo qof uu kaxeeyo, iskuna qarxiyo afaafka hore xarunta, kaddibna ay xigaan weerar dhulka ah.

La soco wixii warar ee ku soo kordha.

 

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=76748

Posted by on Aug 14 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Marxuumkaas waxa loo dillay “Position ka shaqo ee uu hayey”. Sida darteed, dadka sida deg dega ah...
  • Abdi: Mr. R. Mustaqbal; Waan ka xumahay in maqaalka uu ka soo dheereeyey “Raalli gelin ay bixisay Dawladda...
  • mohamuud: BEESHA ISAAQ DADKA WAR HAUGA DHIGIN MAGACOODA WEBKA DHAN BAAD KU XAYAYSIISATAY MA HUNGURI SHILIMO AYAA GALAY
  • turab: https://www.youtube.com/watch? v=6CtwuCk1vKM
  • Turab: Bismillaah Shirtag, ma shalay buu waalaa mise maanta? Shalay wuxuu diidanaa qoladaa gooni goosatada jeegaanta,...