|

Daawo:-Korneyl Caare oo sheegay ujeedka uu ka leeyahay Dagaalka uu kula jiro Soomaaliland-Video

Laascaanood ( HM ) Hogaamiyaha Jabhada Dulmidiid ee Fadhigeedu yahay Gobolka Sanaag Kornayl Caarre ayaa Waraysi dhinacyo badan taabanaya wuxuu siiyey Telefishinka HCTV, Waxaana ugu horayn wax laga waydiiyey colaada u dhaxaysa Labada beelood.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Dagaalka Ceel-Afwayn  waa mid naga Horeeyay, oo ilaa Dawladii Siilaanyo socday, Xageena waa ka madax banaan yahay, Wax lug ah kuma lihin, hadana waxaan leeyahay dabka Qaboojiya,  Alle ha qaboojiyo “ Ayuu yidhi Kornayl Caarre.

Caarre ayaa ka hadlay Wahadalkii laga dhexwaday Jabhada Kornayl Caarre iyo maamulka Somaliland, ayuu sheegay inay isla qaateen in Xabad joojin la sameeyo,  oo Nabad gelyo la qaato, islamarkaana uu Muddo Qabsaday oo ay Sugayaan.

Ma Beel ahaan ayaad u Xanaaqday   Mise Jabhad Somaliland oo dhan  Matalaysa ayaad ahayd ? ayaa la waydiiyey, Wuxuuna sheegay inaysan beel ahaan u Xanaaqin, balse Ergayada u yimid ay yihiin dadkii isaga u dhowaa.

Hadii Wadahadalku Fashilmo ayaa la waydiiyey waxa u Qorshaysan,   Wuxuuna sheegay inuu Arintaasi ka Jawaabi doono Marka ay timaado, Balse hada aanu ka hor dhacayn.

Waxaa la waydiiyey halka uu ku dambeeyay Xidhiidhkii kala dhexeeyay Puntland,   Wuxuuna sheegay inuu kasoo guuray Puntland, hadana uu joogo halkuu ku dhashay oo aanu ku noqonayn Puntland.

Ugu danbayntii  Caarre Wuxuu u sheegay Wariyaha  inaanu ahayn  Kornayl ee uu yahay Jeneraal  “Daawo waraysiga oo Xiiso leh”.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=76782

Posted by on Aug 14 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Rasta buuni: Maxuma
  • Turab: Bismillaah Allaah baa mahadleh, Shariif la soo gamay, mar haddii wixii caloosha ugu jirey afkiisii ka xaday....
  • Rasta buuni: War fiican
  • Turab: Bismillaah; Sanbaloolshe, waa siyaasi isagoon u qaan gaadhin siyaasada, oo qaxooti degan Ingiriiska xilal...
  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...