|

Daawo:-Cali Dheere oo dhaawac culus soo gaadhay iyo warar sheegaya..Video

Muqdisho (HM)-Warbaahinta ku hadashay afka Ciidamada xoogga dalka ee SNA Radio ayaa sheegtay in Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere lagu dhaawacay howlgal ka dhacay 11-kii bishan Agosto deegaanka Shaam ee u dhow degmada Afgooye.

Warkan ay shaacisay Warbaahinta ayaa lagu sheegay in howlgalkii ay qaadeen ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan kuwa sida gaarka u tababaran ee Danab ay ku dileen illaa 15 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa la sheegay in dhaawaca gaaray Cali Dheere loo qaaday deegaano hoostaga degmada Kuntuwaarey ee ay maamulaan Al-Shabaab.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Ma jirto war ka madax bannaan sheegashada warbaahinta afka Ciidamada ku hadasha oo xaqiijinaya warkan, hase ahaatee waxaa dhowr jeer oo hore jiray warar sheegaya in la dilay ama la dhaawacay Cali Dheere, balse markii dambe uu beenoobay.

Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere ayaa ka hadlay Ciidul Adxa, waxaana warbaahinta Al-Shabaab laga sii daayay farriin maqal aheyd oo lagay soo duubay.

 

 

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=76753

Posted by on Aug 14 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Marxuumkaas waxa loo dillay “Position ka shaqo ee uu hayey”. Sida darteed, dadka sida deg dega ah...
  • Abdi: Mr. R. Mustaqbal; Waan ka xumahay in maqaalka uu ka soo dheereeyey “Raalli gelin ay bixisay Dawladda...
  • mohamuud: BEESHA ISAAQ DADKA WAR HAUGA DHIGIN MAGACOODA WEBKA DHAN BAAD KU XAYAYSIISATAY MA HUNGURI SHILIMO AYAA GALAY
  • turab: https://www.youtube.com/watch? v=6CtwuCk1vKM
  • Turab: Bismillaah Shirtag, ma shalay buu waalaa mise maanta? Shalay wuxuu diidanaa qoladaa gooni goosatada jeegaanta,...