|

Musharaxiinta Mucaaradka ku ah Axmed Madoobe oo Xildhibaano cusub ku dhawaaqay-Akhriso

Kismaayo (HM) –  Guddiga doorashada oo ay dhowaan magacaabeen Musharraxiinta ka soo horjeeda madaxweyne Axmed Madoobe ayaa dhankooda soo saaray liiska xildhibaanada cusub ee baarlamaanka labaad ee Jubbaland.

Musharraxiintan is bedal doonka ah oo ka horyimid liis uu xalay shaaciyey guddiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka ee uu horay u magacaabay Axmed Madoobe ayaa soo saaray liis kale oo xildhibaano ah.

Liiskan ayaa gaaraya illaa 75 mudane, halka midka lagu dhawaaqay xalay uu ahaa 73 xubnood.

Sidoo kale liiska ayaa waxaa ka muuqda magacyada iyo beelaha ay ka soo jeedaan xildhibaanada cusub.

Arrintan ayaa sii hurineysa khilaafka ka jira doorashada la filayo in bishan lagu qabto magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse sanadkan ayaa waxaa jahwareer xoogan uu ka jiraa doorashada Jubbaland.

Halkan hoose ka Aqriso:

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=76673

Posted by on Aug 13 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Marxuumkaas waxa loo dillay “Position ka shaqo ee uu hayey”. Sida darteed, dadka sida deg dega ah...
  • Abdi: Mr. R. Mustaqbal; Waan ka xumahay in maqaalka uu ka soo dheereeyey “Raalli gelin ay bixisay Dawladda...
  • mohamuud: BEESHA ISAAQ DADKA WAR HAUGA DHIGIN MAGACOODA WEBKA DHAN BAAD KU XAYAYSIISATAY MA HUNGURI SHILIMO AYAA GALAY
  • turab: https://www.youtube.com/watch? v=6CtwuCk1vKM
  • Turab: Bismillaah Shirtag, ma shalay buu waalaa mise maanta? Shalay wuxuu diidanaa qoladaa gooni goosatada jeegaanta,...