|

Daawo:-Adam Barre Ducaale taako kamid ah dhulka Kenya Soomaaliya yey soo Hungureyn-Video

Nairobi (HM) –Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kenya Adam Barre Ducaale ayaa mar kale ka hadlay doodda Kenya ay muranka ku gelineyso biyaha Soomaaliya.

Adam Barre Ducaale oo dhowaan baarlamanka Kenya horgeeyey qaraar ciidamo lagu geynayo dhuul-badeedkaas, ayaa sheegay in marnaba uusan oggolaaneyn in taako ka mid ah biyaha ama dhulka Kenya ay qaadato dowlad deris la ah Kenya, sida Soomaaliya, Itoobiya ama Koofurta Suudaan.

Adam Barre ayaa sheegay in uu isagu yahay qofka saddexaad ee ugu sarreeya dalka Kenya dadka Soomaalida ah faa’iidada ay ku qabaan Kenyan aysan ku qabin dalalka deriska ah.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Waxaa uu sheegay in madaxda Soomaalida ah ay inta badan degganyihiin Nairobi, xaasaskooda iyo Ganacsigoodana ku yaallo Kenya.

Hoggaamiyaha aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya Adam Barre Ducaale ayaa yiri “aniga maalinkii waxaan ahay Kenyan habeenkiina waxaan ahay Soomaaliya, madaxweyne Farmaajo iyo madaxda kale habeenkii waa is wacnaa, waa wada shaahi karnaa”.

Waxaa uu raali gelin ka bixiyay hadalkii uu todobaadkii hore sheegay oo uu xusay in dad badan ay si kale u fasireen, isaga oo sheegay in arrintan la xallin doono.

Waxaa kale oo uu tusaale u soo qaatay madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Maxamed Cagjar ama madaxwenaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo uu sheegay in maalintii u dhasheen dalalkooda habeenkiina Soomaali yihiin.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=76704

Posted by on Aug 13 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Rasta buuni: Maxuma
  • Turab: Bismillaah Allaah baa mahadleh, Shariif la soo gamay, mar haddii wixii caloosha ugu jirey afkiisii ka xaday....
  • Rasta buuni: War fiican
  • Turab: Bismillaah; Sanbaloolshe, waa siyaasi isagoon u qaan gaadhin siyaasada, oo qaxooti degan Ingiriiska xilal...
  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...