|

Bayle oo ka hadlay kulankii ay la yeesheen Madaxweynaha Maamulka Soomaliland Muuse Biixi-Akhriso

Laascaanood (HM)- Talaabo dhif iyo naadir ah, wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa iyadda oo is-fahamwaa uu taagan yahay waxay la kulmeen madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.

Inkasta oo munaasabada ay isku arkeen aysan ahayn madal-siyaasadeed, haddana hadal-hayn xoog leh oo ka dhalatay ayaa dhalisay in lagu lifaaqo siyaasadda, maadaama kala aragti duwanaashiyo ay jirto.

“Dadka Soomaaliyeed waxay doonayaan nabad iyo dib u heshiisiin waarta,” ayuu hadalkiisa ku bilaabay Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, wasiirka Maaliyadda oo qayb ka ahaa is-gacan-qaadka ka dhacay Xajka.

Bayle oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa gaarka ah ee mareega Twitter-ka ayaa wuxuu tilmaamay in aysan jirin wax xuduud ah oo dhextaala Soomaalida.

“Tani (kulanka) waa fariin ka timid dhamaan Xujeyda ku sugan Xaramka, iyadda oo aysan jirin wax reeban. Goorta waa waqti xaadirkan,” ayuu ku daray hadalkiisa isaga oo xusaya sida loogu baahan yahay wada hadal.

Wasiirka Lacagta xukuumadda federaalka ah oo ah mid kamid ah xilalka ugu muhiimsan dalka ayaa degaan doorashadiisu waxay tahay dhinaca waqoyga wadanka.

“Gebi ahaanteena waa in aan u guntanaa sidii aan raadin lahayn dib u heshiisiin kama dambeys ah oo macno leh misana dhab ah,” ayuu hoosta ka xariiqay.

Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa sheegta madax banaani tan iyo sanadkii 1991-dii, balse wadamada caalamka waxay u arkaan maamul toostaga dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

“Tani waa fariin ka timid Xaramka,” ayuu hadalkiisa kusoo gunaanuday, Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, oo u muuqda mid soo jeedinaya in la karaar-siiyo wada hadaladda labada dhinac ee hakadka ku jira.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=76681

Posted by on Aug 13 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Marxuumkaas waxa loo dillay “Position ka shaqo ee uu hayey”. Sida darteed, dadka sida deg dega ah...
  • Abdi: Mr. R. Mustaqbal; Waan ka xumahay in maqaalka uu ka soo dheereeyey “Raalli gelin ay bixisay Dawladda...
  • mohamuud: BEESHA ISAAQ DADKA WAR HAUGA DHIGIN MAGACOODA WEBKA DHAN BAAD KU XAYAYSIISATAY MA HUNGURI SHILIMO AYAA GALAY
  • turab: https://www.youtube.com/watch? v=6CtwuCk1vKM
  • Turab: Bismillaah Shirtag, ma shalay buu waalaa mise maanta? Shalay wuxuu diidanaa qoladaa gooni goosatada jeegaanta,...