|

Deg Deg:-Baarlamaanka maamulka Jubaland oo lagu dhawaaqay-Akhriso

Kismaayo ( HM) Guddiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland ayaa caawa shaaciyay Liiska xubnaha cusub ee Baarlamaanka labaad ee Jubbaland.

Liiska oo ka kooban 73 Xildhibaan ayaa lagu sheegay in muddo 20 cisho ah ay ku mashquulsanaayeen Odayaasha dhaqanka Jubbaland soo xulista xubnaha Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee Jubbaland, iyagoo liiska u soo gudbiyay Guddiga doorashooyinka si waafaqsan hannaanka doorashooyinka Jubbaland.

Guddiga Madaxa bannaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka ayaa sheegay in shanta beelood ee hab qeybsiga 4.5 lagu sameeyay xubnaha cusub ee Baarlamaanka labaad ee Jubbaland.

Arintan ayaa kusoo aadaysa iyadoo Mudooyinkii dambe uu taagnaa Muranka ku aadan Qaabka loo soo xulayo Xildhibaanada, iyadoo Inta badan Odayaasha dhaqanku ay ku gacan saydheen, Sidoo kalana Musharixiinta ayaa kalsoonida kala noqday gudiga Doorashooyinka, Lama Hubo inay hada Aqbali doonaan Baarlamaanka Cusub.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=76643

Posted by on Aug 12 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Marxuumkaas waxa loo dillay “Position ka shaqo ee uu hayey”. Sida darteed, dadka sida deg dega ah...
  • Abdi: Mr. R. Mustaqbal; Waan ka xumahay in maqaalka uu ka soo dheereeyey “Raalli gelin ay bixisay Dawladda...
  • mohamuud: BEESHA ISAAQ DADKA WAR HAUGA DHIGIN MAGACOODA WEBKA DHAN BAAD KU XAYAYSIISATAY MA HUNGURI SHILIMO AYAA GALAY
  • turab: https://www.youtube.com/watch? v=6CtwuCk1vKM
  • Turab: Bismillaah Shirtag, ma shalay buu waalaa mise maanta? Shalay wuxuu diidanaa qoladaa gooni goosatada jeegaanta,...