|

Al-shabaab lagu qabtay Gobalka Sanaag iyo wararkii ugu dambeeyay ee Puntland-Akhriso

Laascaanood (HM)-Ciidamada Amniga maamulka Puntland ayaa degmada Badhan ee gobolka Sanaag ku qabtay xubno lagu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin malayshiyaadka Al-shabaab oo ku socday buuraleyda Galgala ee gobolka Bari halkaasi oo ciidamada Puntland ay kula dagaallaman kooxo ka tirsan Al-shabaab.

Xubnaha la qabtay oo ka soo amba-baxay magaalada ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag ayaa gaarigii ay wateen lagu joojiyay kantaroolka degmada Badhan balse mid kamid ah oo isku dayay in uu cararo ayaa ciidanku toogasho ku dileen halka saddexdii kale oo isdhibayna la qabtay sid ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta degmada Badhan.

Xubnahan ku eedaysan Al-shabaab oo ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya ayaa sida la xaqiijiyay markii hore waxay ka yimaadeen dhanka Koonfurta iyagoo ka soo wareegay dhinaca Somaliland.

Saraakiisha Amnigu weli faahfaahin kama bixin agabka ay wateen raggan ee lagu soo qabtay inkastoo hadda ay ku xiran yihiin xabsiga magaalada Badhan ee gobolka Sanaag halkaasi oo su’aalo lagu weydiinayo.

Sidoo kale waxaa galabta la aasay ninkii afraad oo ciidanku toogasho ku dileen kadib markii uu isku dayay in uu baxsad.

 

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=76657

Posted by on Aug 12 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Rasta buuni: Maxuma
  • Turab: Bismillaah Allaah baa mahadleh, Shariif la soo gamay, mar haddii wixii caloosha ugu jirey afkiisii ka xaday....
  • Rasta buuni: War fiican
  • Turab: Bismillaah; Sanbaloolshe, waa siyaasi isagoon u qaan gaadhin siyaasada, oo qaxooti degan Ingiriiska xilal...
  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...