|

Daawo:-wadahadal u socda Jabhadda Korneyl Caare iyo maamulka Soomaliland-Video

Ceerigaabo (HM ) Mudooyinkii dambeeyay waxaa ka socday magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag Waan-waan ay Odayaasha dhaqanku ka dhex wadaan Jabhada Kornayl Caarre iyo Xukuumadda Somaliland.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Mid kamid ah Odayaasha dhaqanka  ayaa sheegay in loo baahan yahay in Bulshada Gobolka sanaag ay dhamaantood Qayb ka noqdaan sidii xal rasmiya loogu heli lahaa Colaada deegaanka ceel-Afwayn ee Wakhtiga dheer u dhaxaysa laba beelood oo halkaasi wada dega.

Wuxuu sidoo kale Suldaanku ka Warbixiyey  Wahadalkii Jabhada Kornayl Caarre iyo Somaliland.

“Meel fiican ayuu marayaa Wadahadalkii,  Dhinaca Jabhadda Nabadda waanu kasoo Xidhnay,   Balse Way dhamaan lahayd ee Xajka ayaa inaga soo dhex galay, oo Waxaynu sugaynaa Muuse Biixi, waa in la taageero wax wanaagsan”.

Suldaanka ayaa Qurbajoogta kasoo jeeda deegaanka ugu baaqay inay ka waantoobaan Colaada ay Hurinayaan.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=76627

Posted by on Aug 11 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Rasta buuni: Maxuma
  • Turab: Bismillaah Allaah baa mahadleh, Shariif la soo gamay, mar haddii wixii caloosha ugu jirey afkiisii ka xaday....
  • Rasta buuni: War fiican
  • Turab: Bismillaah; Sanbaloolshe, waa siyaasi isagoon u qaan gaadhin siyaasada, oo qaxooti degan Ingiriiska xilal...
  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...