|

Daawo:-Caasimada Soomaaliya oo si weyn looga dabaaldegay Ciidul Adxaa-Sawiro

Muqdisho (HM)-Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa salaadda Ciidda Carafo ku tukaday Masjidka Shuhadada ee Madaxtooyada Qaranka.

Geesta kale, Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka ah ayaa wuxuu kumannaan dadweyne ah salaadda Ciida kula dukaday Masjidka Isbaheysiga Islaamka ee magaaladda Muqdisho.

Farmaajo ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo ummadda Muslimiinta ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidda Carafo, isaga oo xujayda sannadkan gudanaya waajibaadka xajka Eebbe uga baryey inuu ka aqbalo acmaashooda suubban.

Amniga magaaladda ayaa aad loo adkeeyay iyadda oo wadooyinka caasimadda lagu arkayo ciidamo isla markaana qaar kamid ah isgoysyadda ay yihiin kuwa xiran.

Madaxweynaha ayaa wuxuu ku tartarsiiyay muwaadiniinta inay is-caawiyaan si farxadda ciiddu ay u wada gaarto dhammaan bulshada qaybaheeda kala duwan.

Mas’uuliyiin kale oo isugu jira wasiiro, Xildhibaano iyo saraakiil ciidan oo goobta ka hadlay ayaa dhankooda dhambaalka dabaaldega u diray Shacabka Soomaaliyeed.

Ummadda Soomaaliyeed ayuu u rajeeyay inay sannadkan sannadkiisa ku gaaraan horumar, barwaaqo iyo isku duubni, isagoona ku boorriyay inay dowrkooda ka qaataan dib u dhiska dalka iyo la dagaallanka cadawga qawleysatada ah ee u taagan dhibaateynta dadka Soomaaliyeed.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=76618

Posted by on Aug 11 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Marxuumkaas waxa loo dillay “Position ka shaqo ee uu hayey”. Sida darteed, dadka sida deg dega ah...
  • Abdi: Mr. R. Mustaqbal; Waan ka xumahay in maqaalka uu ka soo dheereeyey “Raalli gelin ay bixisay Dawladda...
  • mohamuud: BEESHA ISAAQ DADKA WAR HAUGA DHIGIN MAGACOODA WEBKA DHAN BAAD KU XAYAYSIISATAY MA HUNGURI SHILIMO AYAA GALAY
  • turab: https://www.youtube.com/watch? v=6CtwuCk1vKM
  • Turab: Bismillaah Shirtag, ma shalay buu waalaa mise maanta? Shalay wuxuu diidanaa qoladaa gooni goosatada jeegaanta,...