|

Akhriso:-Shuruudaha adag ee uu Axmed Madoobe ku xidhay Musharaxiinta la tartamaysa..

Kismaayo ( HM) Guddiga Doorashooyinka maamulka Jubbaland uu horey u magacaabay Axmed Madoobe ayaa soo saaray shuruudo lagu xidhay Musharaxiinta u tartameysa xilka Madaxweynaha Jubbaland, waxaana  kamid ah in raga Musharaxiinta midkiiba laga rabo 30-kun oo dollar halka dumarka laga rabo 15-kun, waxaa sidoo kale Musharaxa laga rabaa soo in uu heesto saxiixa 10-Xildhibaan ayna soo jeediyaan in uu tartamo.

Musharaxiinta Shuruudaha kale ee lagu xidhay ayaa waxaa kamid ah in uu iska casilo musharaxa xilka uu ka hayo dowlada federaalka ama maamulka Jubbaland, waxaa sidoo kale shuruudaha kamid ah in musharaxa uusan qabin xaas ajnabi ah.

Guddiga doorashooyinka maamulka Jubbaland ayaa shaaciyay in soo gudbinta dukumiintiyada musharaxiinta ay bilaabatay 16-ka bishan ayna ku egtahay 22-ka bishan , waxaana shaki la galinayaa dhax dhaxaadnimada guddigan .

Qaar kamid ah Musharaxiinta Madaxweyne ee maamulka Jubbaland ayaa durba kahor yimid qaar kamid ah shuruudaha adag ee soo saareen guddiga doorashooyinka iyo sidoo kale deg dega ka muuqda Guddiga.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=75721

Posted by on Jul 18 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: War Majeerteen guracan iga dheh.
  • Abdi: Marxuumkaas waxa loo dillay “Position ka shaqo ee uu hayey”. Sida darteed, dadka sida deg dega ah...
  • Abdi: Mr. R. Mustaqbal; Waan ka xumahay in maqaalka uu ka soo dheereeyey “Raalli gelin ay bixisay Dawladda...
  • mohamuud: BEESHA ISAAQ DADKA WAR HAUGA DHIGIN MAGACOODA WEBKA DHAN BAAD KU XAYAYSIISATAY MA HUNGURI SHILIMO AYAA GALAY
  • turab: https://www.youtube.com/watch? v=6CtwuCk1vKM