|

Suldaan Caan ah oo Caawa Gaalkacayo lagu toogtay..

Gaalkacayo (HM)-Wararka ka imanaya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in lagu diley Koofurta magaalada Suldaan Cabdulaahi Suldaan Cabdiraxmaan oo mid kamid ahaa salaadiinta gobolka Mudug.
Dilka Suldaanka ayaa la sheegay inay geysteen labo dhalinyaro ah oo ku hubeysnayd bastoolado kadibna baxsaday.

Ciidamada ammaanka ayaa gaarey goobta uu dilka ka dhacay, iyagoo halkaa baaritaano ka sameeyay. Hase yeeshee lama sheegin dad loo qabtay dilka Suldaanka.

Dilka Suldaanka ayaa ku soo beegmaya maalin kadib markii ururka Al-shabaab ay ugu baaqeen odayaasha dhaqanka ee soo xulay xildhibaanada baarlamaanka dowlada federalka iyo maamul goboleedyada iyaoo aan la ogeyn in Suldaanku uu ka mid ahaa dadkii loo qabtay mudada 45ka cisho ah.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=75701

Posted by on Jul 17 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Rasta buuni: Maxuma
  • Turab: Bismillaah Allaah baa mahadleh, Shariif la soo gamay, mar haddii wixii caloosha ugu jirey afkiisii ka xaday....
  • Rasta buuni: War fiican
  • Turab: Bismillaah; Sanbaloolshe, waa siyaasi isagoon u qaan gaadhin siyaasada, oo qaxooti degan Ingiriiska xilal...
  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...